Ruben Amorim ayaa si rasmi ah loogu magacaabi doonaa tababaraha cusub ee kooxda Manchester United qaban doono maanta, oo arbaco ah sida laga soo xigtay ilo dhawr ah.

Man United ayaa iska ceydhiisay tababaraha reer Holland ee Erik ten Hag kadib guuldaradii kasoo gaaratay West Ham oo 2-1 kaga adkaatay Man United todobaadkii hore

Saxafiga caanka ah reer Talyaani ee Fabrizio Romano, iyo saxafiga David Ornstein iyo ilo kale ayaa dhamaantood waxay xaqiijinayaan in heshiiska tababaraha kooxda Sporting Lisbon uu dhammaaday, laguna dhawaaqi doono saacadaha soo aadan.

Nicolo Schira ayaa ku warameysa in ku dhawaaqista rasmiga ah ee qandaraaska la saxiixay islamarkaana uu imaan doono Arbacada si uu u bilaabo shaqada cusub ee Old Trafford.

Amorim ayaa ogolaaday heshiis dhacaya 2027 oo uu ku sii joogayo Old Trafford, iyadoo United ay ogolaatay inay bixiso 10 milyan oo euro ee lagu burburin karo qandaraaskiisa Sporting Lisbon.

39-jirkan u dhashay waddanka Portugal ayaa badali doona Erik ten Hag oo isniintii laga ceyriyay shaqada kooxda Man Utd.

Amorim waa mid ka mid ah tababarayaasha da’da yar ee Yurub ugu caansan kadib markii uu wacdaro ka sameeyay Sporting Lisbon sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa uu kula guuleysatay shan koob kooxdiisa Lisbon tan iyo markii uu yimid 2020, oo ay ku jiraan laba horyaal.

Kadib markii ay ku dhameysteen kaalinta siddedaad ee 2023/24, kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa gashay bilowgoodii ugu xumaa ee Premier League ka dib todoba kulan oo ay ciyaareen.

Man Utd ayaa kaliya afar guul gaartay 14 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, iyadoo guuldarrooyin ay ka soo gaartay kooxaha Brighton, Liverpool, Tottenham iyo West Ham.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version