Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato 26 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold sanadka soo socda, iyadoo wadahadalada labada dhinac ay sii socdaan.
Sida laga soo xigtay wargayska SPORT,
PSG ayaa xiiseyneysa inay lasoo wareegto xididga daafaca dambeedka midig uga ciyaara Liverpool iyi xulka ingiriiska ee Trent Alexander-Arnold, iyada oo PSG ay tartan adag kala kulmi karaan Real Madrid oo baadi goob ugu jirta saxiixa xiddiga Reds.
Kooxda heysata horyaalka faransiiskaa ee Ligue 1 ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato daafac midig maadama aysan hubin mustaqbalka daafacooda ee Achraf Hakimi.
Trent Alexander-Arnold ayaa wuxuu kamid yahay xididgaha ka ciyaara booska daafac dambeedka midig kuwa ugu fiican adduunka tan iyo markii uu u saftay kooxda ee Liverpool.
Laacibka reer England ayaa horumar ka gaaray kooxda Merseyside-ka, waxaana uu noqday shaqsi laf dhabar u ah kooxdii yaraantiisii.
26 jirkan ayaa kasoo muuqday in ka badan 300-kulan oo kooxda Liverpool ah, isaga oo dhaliyay 19 gool iyo sidoo kale sameeyay 83-caawin.
Si kasta ha ahaatee, Alexander-Arnold ayaa ku wajahaya mustaqbal aan la hubin garoonka Anfield kadib markii uu galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana lala xidhiidhinaaya Real Madrid sido kale waxaa soo gashay PSG oo kula tartamaysa saxiixa xididga kooxda Reds ee Arnold.
<span;>.