Kooxda ku guulaysatay horyaalka waddanka ingiriiska Premier League ee Manchester City ayaa Lautaro Martinez u aqoonsatay inuu yahay musharaxa ugu habboon ee beddeli kara Erling Haaland haddii uu ka tago kooxda.

Sida laga soo xigtay warsidaha kasoo baxa Isbaanishka ee Fichajes, Lautaro Martinez ayaa ah bartilmam-meedkoda koowaad haddii uu Haaland ka tago Manchester City.

Kooxda Man City ayaa suuqa ka raadineysa beddelka mustaqbalka fog ee Erling Haaland iyadoo lala xiriirinayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ku daggaalamaya adeegiisa sida ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Sidaas darteed, 27-jirka weerarka uga ciyaara Inter Milan ayaa u arkaan soo bartilmaameedka suurtagal ah, iyadoo kooxda City ay diyaar u tahay inay kusoo qaadato adduun dhan 100 milyan euro si ay u hesho adeeggiisa.

Martinez ayaa waxa uu door ku lahaa ololihii ay Inter Milan ku qaaday horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A xilli ciyaareedkii hore sido kale wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah kadib markii Argentina ay ku guuleysatay Copa America xagaagii lasoo dhaafay.

Lautaro Martinez ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka tan iyo markii uu Inter Milan kaga soo biiray kooxda Racing Club bishii July 2018.

Man City ayaana doonaysa inay ku beddesho xiddigooda Haaland ciyaaryahanka reer Argentina iyo kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez oo kamid ah weeraryahanada ugu fiican qaaradda Yurub.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version