Caw waxaa indhaha lagu wada haayaa xafladda Abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadka 2024 oo ka dhici donta magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Abaalmarinta Ballon d’Or ayaa badanaa waxaa loo codeeya ciyaaryahanka ugu fiican adduunka ee xili ciyaareedka sii dhamaanaya.

Xafladda Abaalmarinta ee sanadlaha ee Ballon ayaa lagu soo bandhigaa dhowr abaalmarino oo kala duwan sida Ballon d’Or-ka Haweenka iyo abaalmarino kale.

Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa haatan ugu cadcad musharaxiinta inuu ku guulaysto abaalmarinta loogu jecelyahay kubadda cagta ee Ballon d’Or oo uu ku riyoodo ciyaaryahan kasta.

Halkee Lagu Qaban Doona Ballon d’Or 2924?

Xafladda abaalmarinta Ballon d’Or ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Tiyaatarka du Chatalet ee caasimada France ee Paris.

Goormee la qaban doona abaalmarinta Ballon d’Or l?

Xafladda abaalmarinta Ballon d’Or ee sida weyn loo wadaa sugaayo ayaa dhici doonta maanta oo ah isniin taariikhdana ku beegan tahay 28 October.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version