Natiijooyinka Ballon d’Or ee 2024 oo nuqul lasoo xaday lasii daayay’ kahor xafladda ka dhici doonta magaalada Paris fiidnimada Isniinta.

Ku guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadka 2024 waxaa si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa masraxa du Chatelet, iyadoo Real Madrid superstar-kooda Vinicius Junior marhore lagu dhawaaqay inuu yahay xididga ku guuleestay.

Vinicius Jr waxa uu dhaliyay 26 gool waxana uu caawiyay 11 gool tartamada oo dhan intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24 isaga oo Real Madrid kula guulaysatay La Liga iyo Champions League.

Waxa la filayaa inuu noqdo ciyaartoygii saddexaad ee aan Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo ahayn ee ku guulaysta abaal marinta Ballon d’Or tan iyo 2007dii, waxaana guusha Vinicius lagu soo warramayaa in ay horeba loo xaqiijiyay inuu ku guulaystay.

Vinicius Junior oo ku ugu guuleystay Ballon d’Or 2024

Vinicius ayaa helay 630 dhibcood, sida ku cad liis aan la hubin oo uu daaha ka qaaday  Daily Mail, iyadoo Superstar-ka Real Madrid uu qarka u saaran yahay inuu abaalmarintan qaato markii ugu horreysay xirfaddiisa.

Rodri ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhameysan doono kaalinta labaad, isagoo ka sareeya Jude Bellingham  oo ku jira kaalinta seddexaad iyo Kylian Mbappe  oo ku jira booska afaraad.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version