AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso Federico Chiesa bedelka macquulka ah ee xiddiga garabka uga ciyaara Rafael Leao, iyadoo ay u badan tahay inuu xiddiga reer Portugal uu ka tago garoonka San Siro.

Sida laga soo xigtay Milan-Live Federico Chiesa ayaa u soo muuqday bartilmaameedka AC Milan xilli ay bilaabeen inay raadiyaan bedelka Rafael Leao. Xiddiga reer Portugees ee Rossoneri ayaa laga yaabaa in uu kooxda uga dhaqaaqo dalab weyn oo uu ka helayo kooxaha ugu wayn qaaradda Yurub , xilli kooxda reer Italy ay u aragto xiddigii hore ee Juventus badalka suurtogalka ah.

Rafael Leao ayaa u saxiixay AC Milan qandaraaskiisa cusub ilaa 2028 waxaana lagu burburin karaa qandaraaskiisa 175 milyan euro, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda aan la heli karin oo ugu qaalisan. Taas macnaheedu maaha in lagu heli karo wax ka yar, laakiin Milan ayaa wali dalban doonta lacag weyn si ay ugu iibiso, malaha in ka badan 100 milyan euro.

Kooxo dhowr ah ayaa doonaya xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Milan iyo xulka Portugal, iyadoo Barcelona ay ka mid tahay kooxaha ceyrsanaaya oo ad u doonaaya adeegiisa. Kooxaha ugu sareeya Premier League sida Arsenal iyo Manchester City ayaa sidoo kale xiiseynaya,inay lasoo saxiixdaan xili ciyaareedka dambe maadaama ay ka dhaqaale fiican yihiin Catalans islamarkaana ay keeni karaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Milan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeier League.

Haddii Milan ay rabto inay iibiso Leao bisha Janaayo ama xagaaga soo aadan, waxay u muuqataa inay raadineyso bedelka mustaqbalka. Waxa ay haatan qorsheeyeen 2024 saxiixa xiddiga xulka Italy iyo Liverpool ee Federico Chiesa, kaasoo weli u baahan inuu si fiican ula qabsado Merseyside.

Fursadaha Milan ee saxiixiisa ayaa la ogaan doonaa hadhow marka mustaqbalkiisa Liverpool uu soo shaac baxo, inkastoo uu noqon karo bedel ku haboon Leao mustaqbalka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version