Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u xulatay 4-tababare ay kubeddelayaan Erik ten Hag oo kooxda ku hoggaamiyay natiijoyin xun kulamadii ugu dambeeyay xili ciyaareedkan.

Red Devils ayaa eegeysa dookhyada maadaama aysan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka kooxda ee uu ku hogaamiyo tababaraha reer Holland.

Sida ku cad warbixinta Daily Mail Manchester United waxay wadahadal la yeelatay Xavi horaantii bishaan, iyadoo madaxa fulinta Omar Berrada uu u duulay Barcelona. Tababaraha isbaanishka ee Xavi ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii kooxda Catalan ay ceyrisay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Red Devils ayaa sidoo kale xiiseyneysa Edin Terzic, oo ah tabaraha labaad ee u sharaxan kaas oo sidoo kale koox la’aan ah. Waxa uu iska casilay booskiisii ​​Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii hore inkasta oo uu ku hoggaamiayu Dortmund inuu geeyo finalka UEFA Champions League

Tababaraha 3-aad ee liiskan kasoo muuqaanaya waa Ruben Amorim oo ka tirsan Sporting CP, waxaana lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska, laakiin Manchester United ayaa tartan kala kulmeysa Manchester City oo ku aadan tababaraha.

Waxaa lala xiriiriyay West Ham United iyo Chelsea xagaagii, laakiin labada dhinac midkoodna heshiis lama gaarin Portuguese-ka.

Tababaraha afarad ee liiskan kaoso muuqaanaya waa Thomas Frank waa musharaxa ugu dambeeya ee liiska. Tababaraha Brentford ayaa lala xiriirinayay Red Devils tan iyo xagaagii

Erik ten Hag ayaa cadaadis kala kulmaya kooxda Manchester United kadib qaab ciyaareed liita oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League iyo kaalinta 21-aad ee tartanka Europe League xilli ciyaareedkan – waxa ay badiyeen kaliya saddex kulan oo ka mid ah siddeedii kulan ee ay ku ciyaareen horyaalka Ingiriiska, waxaana ay barbaro galeen dhammaan seddexdii kulan ee ay ciyaareen Yurub.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version