Waa Maxay Go’aanka Uu Qaatay?

Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu qaatay go’aan ku saabsan xiisaha uu ka helaayo kooxda kubadda cagta ee Manchester United, oo doonayso inay beddel uga dhigan macalin Erik ten Hag oo mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiro.

Marka loo eego xili ciyaareedkan, waa bilawgoodii ugu xumaa abid ee kooxda Man United ee tartanka Premier League, tababaraha hadda Erik ten Hagayaa  waxa uu wajahayaa cadaadis xoogan oo kaga imaamaaya maaamulka sare ee kooxda, waxa uu doonaaya inuu badbaadiyo shaqadiisa.

Natiijoyinka uu gaaray macalinka reer Holland ee Ten Hag kulamada, Aston Villa, Porto FC, iyo Brentford ayaa badbaado u noqday.

Labada kulan ee soo socda United waxay la ciyaari doonaan Fenerbahce oo kulan ka tirsan Europa League iyo West Ham United kulan ka tirsan Premier League, labada kulan Man United ayaa marti ah.

Waa maxay mowqifka Xavi?

Waxaa macquul ah in milkiilaha laga tirada badan yahay ee Sir Jim Ratcliffe iyo maamulka kooxda ay dooran karaan inay wax qabtaan haddii United ku guuldareysato inay wacdaro ka dhigto kulanka kooxda Fenerbahce ee Turkiga iyo kulanka West Ham ee England.

Horaantii usbuucan, soo jeedintu waxay ahayd in madaxa United Omar Berrada uu la yeeshay ugu yaraan wadahadal ku aadan macalin Xavi intii uu ku jiray safar uu ku tagay Spain.

44-sano jirkan ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay shaqadiisii ​​​​Barcelona dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, fikradda ah in uu haatan sugayo tartankiisa xiga.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay AS, Xavi ayaa diidi doona fursad kasta oo uu ku bedeli karo Ten Hag toddobaadyada soo socda.
Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu damacsan yahay inuu sii wato fasaxiisa kubada cagta mana isku dayi doono inuu gooyo wax yar kahor bartamaha xilli ciyaareedka.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version