Kooxda Barcelona ayaa kulan adag ku qaabili doonto garoon-kooda Estadi Olimpic Lluis kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan tartanka Champions League.
Barcelona ayaa waxay doonaysa inay ka aar gudato Bayern Munich, oo kulamadii ugu dambeeyay guul darroyin kala kulantay Munich.
Hansi Flick oo ahaa tababarihii hore ee Bayern Munich, ayaa kahor imaan doono kooxdiisa hore ee Munich, isaga oo haatan hoggaaminaya Barcelona kulan ka tirsan Champions League.
Barcelona ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay kooxdw Monaco kulankeedii ugu horreeyay ee Champions League xilli ciyaareedkan, hasa ahaatee guuldaradaasi kadib waxay 5-0 ku xasuuqday Young Boys ciyaar ka dhacday Camp Nou ciyaartii labaad ee Champions League.
Weeraryahankii hore ee Bayern Robert Lewandowski ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah , isaga oo shabaqa soo taabtay 14 jeer 12 kulan oo uu ciyaaray wuxuuna wajihi doonaa kooxdiisa hore ee Munich.
XAQIIQOOYINKA KULANKA.
●Bayern Munich ayaa badisay toban ka mid ah 13kii kulan ee UEFA Champions League ay la ciyaartay Barcelona.
●Bayern Munich ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Barcelona. Blaugrana ayaa ugu dambeysay inay garaacdo Bayern bishii Maajo 2015.
●13-kii kulan ee ay la ciyaartay Bayern Munich, Barcelona ayaa dhalisay kaliya 13 gool, halka laga dhaliyay 33 gool.
●Barcelona ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Bayern Munich. Labadii kulan ee ugu dambeeyay ayaa kusoo idlaaday 3-0, halka midkii ka horeeyay uu ahaa 8-2 lagu xasuuqay.
●Iyadoo 10 guul ay ka gaareen Barca tartanka Champions League, Bayern ayaa barbareyn karta rikoorka guulaha ugu badan ee koox kasta ay ka gaarto hal koox tartankaan, waxaana ay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay ee 7 kulan oo xiriir ah guul ka gaarto koox tan iyo markii ay Real Madrid sidaas sameysay. Ajax ilaa 2010-kii.
Tababaraha kooxda Barca ee Hansi Flick ayaa haatan badiyay 17-ka mid ah 20-kii kulan ee uu ciyaaray Champions League, waana mid kamid ah macalimiinta ugu guulaha badan ee marka loo eego tababare kasta taariikhda, iyo sidoo kale waa tababaraha ugu guulaha ugu badan ee darajadan gaaro 20kii kulan ee furitaanka tartanka.
SHAXAHA MACQUULKA AH.
Safka macquulka ah ee Barcelona:
Inaki Pena; Kounde, Pau Cubarsi, Inigo Martinez, Balde; De Jong, Pedri; Yamal, Dani Olmo, Raphinha; Lewandowski
Safka macquulka ah ee Bayern Munich:
Neuer; Laimer, Upamecano, Kim, Davies; Kimmich, Joao Palhinha; Olise, Muller, Gnabry; Kane.
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Hordhac: Barcelona Vs Bayern Munich: Shaxaha Macquulka Ah& Xaqiiqoyinka Kulanka.
Follow on Google News
Follow on Flipboard
Follow on Facebook
Follow on X (Twitter)
Follow on Instagram
Follow on YouTube
Follow on WhatsApp
Follow on TikTok
Follow on Telegram
Follow on Snapchat