Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku beddelayaan Erik ten Hag macalinkii hore kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez haddii ay kooxdu go’aansato in ay erido tababare Erik ten Hag.

Tababarihii hore kooxda Barcelona ee Xavi ayaa wadahadalo la yeeshay Man United oo ku aadan inuu ka baddalo Erik ten Hag shaqada tababarnimo, iyadoo tababaraha reer Holland ee uu cadaadis saaran yahay islamarkaana xilka laga qaadi doono haddii uu badbaadin waayo shaqadiisa.

Warsidaha Mail Sport ayaa fahansan in dhex dhexaadiyayaashu ay xiriir la sameeyeen xidigii hore ee Barcelona laba jeer dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Wafdi ka kooban afar nin oo uu hogaaminayo madaxa fulinta United ee Omar Berrada ayaa u duulay magaalada Barcelona khamiistii la soo dhaafay, inkastoo ilo-wareedyo United ay sheegayaan in dhowr shirar oo heer sare ah ay ka dhaceen caasimadda Catalan dhawaan sababtoo ah milkiilaha Sir Jim Ratcliffe ayaa halkaas u joogay inuu taageero  Kooxda badmareenka ee Ineos Britannia ee dagaalka kula jirta New Zealand.

Wararka la isla dhexmarayo ee ah in Xavi uu noqon karo musharrax ugu habboon ee beddeli kara haddii Ten Hag la ceyriyo kadib labo sano iyo bar oo uu maamulayay Barcelona.

Caawiyaha Ten Hag Ruud van Nistelrooy ayaa noqon doona badal cad oo waqti gaaban ah – Xavi ayaa sidoo kale cadeeyay inuusan dooneyn inuu mar kale tababare ka noqdo Spain.

Ilaha United ayaa ku adkeysanaya in Ten Hag uu weli yahay macalinkooda, kooxduna aysan qorsheyneynin inay isbedel sameyso isagoo isku diyaarinaya inuu wajaho Fenerbahce Europa League Khamiista. 

Man United ayaa diiday inay ka hadasho talaadadii, iyadoo sheegtay inay diidan yihiin inay ka hadlaan mustaqbalka tababaraha 

United ayaa beddel uga dhigaysa macalinkii hore kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez haddii ay ka ceeriyaan shaqada tababarnimo ee Erik ten Hag.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version