Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay xaaladda dhaawaca ee Kevin De Bruyne kahor kulanka UEFA Champions League ee ay la ciyaarayaan habeenka arbacada ee Sparta Prague 

Laacibka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ka maqnaa Cityzens tan iyo bishii Sebtembar, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaaray dhanka muruqa ah.

Tababaraha Isbaanishka ayaa cadeeyay inuu horumar sameynaayo laakiin uusan gabi ahaanba wanaagsaneyn waqtigaan. Isagoo hadlayay kahor kulanka kooxdiisa ee bartamaha usbuuca, Guardiola ayaa yiri (via @City_Xtra):

“Maya, ma ahan arin weyn, laakiin si buuxda uma fiicna, Kevin ma ahan 22-sano jir, waa inuu taam u noqdaa kubaddiisa”. Isaga oo hadalkiisa wata ayuu yidhi.

“Waa inuu ahaadaa mid si buuxda u taam ah, mana dareemayo xaalad soo kabasha ah gabi ahaanba. Sidaa owgeed ma muujin karo awoodiisa cajiibka ah sida ugu fiican, waana sababta uu u tababaranayo xoogaha si ka fiican, sidii hore laakiin weli ma dareemayo raaxo.”

Marka loo eego hadalka Guardiola, waxay u muuqataa in De Bruyne aanu diyaar u ahayn Manchester City kulanka soo socda ee UEFA Champions League.

Cityzens ayaa xaalad jahwareer gashay xiili ciyaaredkan, kadib markii ay dhaawac soo gaareen, xiddigaha Kevin De Bruyne iyo Rodrygo kuwaas oo kamid ah xiddigaha lafta dhabarta u ah Man City.

Ka hor inta aysan dhibaatada soo gaarin, 33-sano jirkan ayaa ku guuleystay inuu lix kulan u saftay tartamada oo dhan Cityzens, isagoo dhalinayay gool iyo caawin mid kasta.

Waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii De Bruyne uu u safan karo Manchester City kulankooda usbuuca ee Premier League ee Southhampton  sabtida.

Ilaa hadda, waxa uu u saftay 388 tartamada oo dhan kooxda Manchester, isagoo u dhaliyay 103 gool iyo 171 caawin.

Share.

Comments are closed.

Exit mobile version