Kooxda Jarmalka ayaa isku dayi doonta inay ka aar-goosato guuldaradii kasoo gaartay Real madrid fiinaalkii Champions League xili ciyaareedkii hore 2023-24.
Real Madrid ayaa guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee isbuucaan. Balse waxa ay guuldarro xanuun badan oo 1-0 ah kala kulmeen kooxda Faransiiska ee Lille lugta labaad ee tartanka Champions League.
Kooxda Real Madrid ayaa marti galinaysa Borussia Dortmund kulan ka tirsan UEFA Champions League wareegiisa 3-aad.
Real Madrid ayaa dabcan 2-0 ku garaacday kooxda Dortmund finalkii sanadkii hore ee tartanka UEFA Champions League kaas oo ka dhacay garoonka caanka ah ee Wembley Stadium.
Dortmund ayaa waxa ay haatan ku jiraan kaalinta 7-aad ee kala sarreynta horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waxayna guul daro xanuun badan oo 5-1 ah kala kulmeen Stuttgart,sidoo kalana guul daro 2-1 oo kasoo gaaaratay Union Berlin.
XAQIIQOOYINKA KULANKA
●Kooxda Real Madrid ayaa waxay ka dhalisay ugu yaraan 2 gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Borussia Dortmund tartamada oo dhan.
●Los Blancos ayaa waxa ay badisay 3-dii kulan ugu dambeesay oo ay la ciyaartay Dortmund tartamada oo dhan.
●Real Madrid ayaa dhalineesay in ka badan 2.5 gool 5-kamid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay Borussia Dortmund tartamada oo dhan.
●Real Madrid ayaa badisay 12 ka mid ah 14 kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda waxayna dhalisay in ka badan 1.5gool.
●Real Madrid ayaa badisay 6-ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo dhalisay in ka badan 1.5 gool
●5-ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Real Madrid gurigeeda ku ciyaartay Champions League, wadarta goolasha ay dhaliyeen ayaa ka badan 2.5
●6-ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Borussia Dortmund ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda wadarta goolasha ay dhaliyeen waxay ka badan tahay 2.5
●8-ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay Borussia Dortmund ee ciyaartay Champions League, wadarta goolasha ay dhaliyeen waxay ka hoosaysay 3.5
●Borussia Dortmund ayaan wax guul ah gaarin shan kulan oo ay horray ula ciyaartay Real Madrid.
SHAXAHA MACQUULKA:
Real Madrid possible starting lineup:
Courtois; Vazquez, Militao, Rudiger, Mendy; Bellingham, Tchouameni, Valverde; Rodrygo, Mbappe, Vinicius Jr
Borussia Dortmund possible starting lineup:
Kobel; Ryerson, Anton, Schlotterbeck, Bensebaini; Can, Sabitzer; Malen, Brandt, Gittens; Guirassy