Kooxda Arsenal ayaa caawa waxay waqooyiga London ku soo dhaweyn doonta naadiga reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk, kulan ka tirsan UEFA Champions league, iyagA oo doonaya inay sii wataan guuldarro la’aanta billowga Champions League.

Gunners ayaa ahayd guul daro la,aan dhowr kulan oo horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League, balse waxaa soo afjartay kooxda Bournemouth oo ka badisay fiidnimadii Sabtida.

XAQIIQOOYINKA KULANKA.

●Arsenal ayaa doonaysa in ay guul cajiib ah gaarto kulanka 2-aad ee tartanka Champions League, iyaga oo wajihi doona kooxda Shakhtar Donetsk markii ugu horaysay muddo laga joogo 14-sano.

●Kooxaha Arsenal iyo Shakhtar Donetsk ayaa kulmay 4-jeer, Arsenal ayaa badisay 2-kulan,halka Shakhtar ay badisay 2-kulan wax barbaro ah maba galin iyada oo Arsenal ka dhalisay 9-gool dhinaca kale Shakhtar ay ka dhalisay Arsenal 8-gool.

●Gunners ayaa shan guul oo xiriir ah gurigeeda kaga gaartay kooxaha martida ah ee reer Ukrain, iyagoo ka dhaliyay 14 gool.

●Arsenal ayaa badisay 12-ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkooda Yurub, waxaana laga badiyay hal kulan.

●Arsenal ayaa waxa ka dhalisay in ka badan 2.5 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Shakhtar Donetsk tartamada oo dhan

●Kai Havertz ayaa gool dhaliyay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ay Arsenal ku ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan.

SHAXAHA MACQUULKA AH.

Arsenal possible starting lineup:
Raya; White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Havertz, Rice, Merino; Sterling, Jesus, Trossard

Shakhtar Donetsk possible starting lineup:
Riznyk; Konoplya, Bondar, Matvienko, Henrique; Stepanenko; Zubkov, Bondarenko, Sudakov, Newerton; Sikan

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version