Arsenal ayaa waxaa ka maqnaa kabtankooda Martin Odegaard iyo xiddiga garabka ka ciyaara Bukayo Saka guuldaradii isbuucaan ka soo gaartay Bournemouth, labadan xiddig Gunners ayaa shaki galinaysa kulanka Shakhtar Donetsk.
Arsenal ayaa waayi karta Seddex xiddig oo muhiim ah kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Shakhtar Donetsk.
Gunners ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku marti galin doonta kooxda reer Ukraine Salaasada kulankoodii ugu dambeeyay ee Group-yada. Laakiin Mikel Arteta ayaa haysta arimo badan oo uu ka fiirsan karo kahor kulanka.
Kabtanka Arsena eel Martin Odegaard ayaa weli la maqan dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka bishii hore sidoo kale Bukayo Saka shaki ayaa ku jira waxa uu ka baxay kulan uu u ciyaarayay xulkiisa ingiriiska ciyaaraha caalamiga ah, k dibna waxa uu seegay guuldaradii isbuucaan ee Bournemouth.
In kasta oo Arteta uu rajo ka qabo in ay dib ugu soo laaban karaan garoomada islamarkaana ay dib ugu soo laaban karaan, labada xiddig ayaa wali shaki weyn ku jira kulanka talaadada. Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka, tababaraha Isbaanishka ayaa yiri: “Iyagu way dhow yihiin. Labaduba si fiican ayay u socdaan. Martin [Odegaard] taam ma aha. Bukaayo aan aragno sida uu yahay tababarka dambe.”
Saka iyo Odegaard labaduba waxay muhiim u ahaayeen qaab ciyaareedka cajiibka ah kooxda Arsenal ee Arteta dhawrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay. Laacibkii Saka waxa uu dhaliyay seddex gool iyo todobo caawin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Odegaard ayaa xilli ciyaareedkan saftay kaliya seddex kulan laakiin wax qabadkiisa Arsenal ayaa ahaa mid soo jiidasho leh. Labada xiddig ayaa laga yaabaa in ayna ahayn xiddigaha kaliya ee ay Gunners ka maqan kulanka Shakhtar.
Takehiro Tomiyasu ayaa weli dhaawac ku maqan, halka Jurrien Timber uu sidoo kale la tacaalayo xaaladiisa jir ahaaneed. Arteta ayaa sidoo kale qirtay in xiddiga reer Holland uu seegi karo ciyaarta.
Wuxuu ku daray: “Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto mid dhow. Waa inaan aragnaa sida uu ula macaamilo tababarka kooxda oo dhan sababtoo ah weli ma uusan sameynin.”