Kooxda Manchester City ayaa safraysa garoonka Wolves ku ciyaarto ee Molineux Stadium kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League wareegiisa 8-aad.

Kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League Manchester City ayaa 3-2 kaga adkaatay Fulham kahor fasaxa kulamada caalamiga ah halka kooxda Wolverhampton looga adkaaday 5-2 oo ay kaga adkaatay Brentford kahor kulamada fasaxa caalamiga ah.

Xoggta: Kulanka

Kulanka: Wolves Vs Man City:

Tartanka: Premier League

Wareegiisa 8-aad.

Wakhtiga: 16:00-Galabnimo.

Garoonka: MolineuxStadium. 🏟

Garsooraha: Chris Kavanagh.England.🇬🇧

Wararka Kooxaha Kahor Kulanka

Weeraryahanka kooxda Wolverhampton Wanderers ee Hwang Hee-chan ayaa seegaya kadib markii uu ka dhaawacmay canqowga isagoo u ciyaaraya xulkiiea South Korea.

Xiddigaaha kala ah Enso Gonzalez, Sasa Kalajdzic, Yerson Mosquera iyo Boubacar Traore ayaa dhammaantod wali dhaawac ku maqan.

Dhinaca kale Manchester City waxaa hubaal ah inuu ka maqan yahay Kevin De Bruyne, halka Nathan Ake uu weli shaki ku jiro. Ciyaartoyda Rodri iyo Oscar Bobb ayaa dhaawacyo muddo dheer ah.

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

●Waxay raadinayaan inay ka fogaadaan lix guuldarro oo xiriir ah dhammaan tartamada markii ugu horreysay tan iyo bishii Febraayo ilaa Maarso 2017 ee uu hogaaminaayay Paul Lambert.

● Kooxda Manchester City ayaa badisay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka,waxana ay dhaliyeen 25 gool kulamadaas. Guuldarada kaliya ee ay kala kulmeen City kooxda Wolves mudadaas waxay ahayd 2-1 oo looga adkaadaygaroonka Molineux xilli ciyaareedkii hore.

●Wolves ayaa doonaysa in ay guul xiriir ah garoonkeeda kaga gaarto City markii ugu horraysay tan iyo 1982 ilaa 1996 oo ay ka adkaadeen saddex kulan.

●Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato lix kulan oo horyaalka ah tan iyo markii ay 2-0 kaga badiyeen Chelsea todobaadkii hore.

●Erling Haaland ayaa siddeed gool ka dhaliyay Wolves kaliya afar kulan oo horyaalka ah, celcelis ahaan 40 kii daqiqiba hal gool. Kaliya hal gool oo ka mid ah ayaa ku yimid Molineux.

● Manchester City ayaa laga yaabaa inay sameyso rikoodh 31 kulan oo horyaalka ah oo aan laga badin. Kaliya lix jeer taariikhda horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ayaa koox soo martay in ka badan 30 kulan iyadoo aan laga badin, oo ay ugu dambeysay Liverpool 44 kulan oo xiriir ah laga bilaabo Janaayo 2019 ilaa Febraayo 2020

Shaxaha Macquulka Ah Labada Koox

Wolverhampton Wanderers possible starting lineup:
Johnstone; Semedo, S. Bueno, Toti, Ait-Nouri; Bellegarde, Lemina, Andre, Gomes, Cunha; Larsen

Manchester City possible starting lineup:
Ederson; Lewis, Akanji, Dias, Gvardiol; Kovacic, Gundogan; Silva, Foden, Doku; Haaland

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version