Kooxda Liverpool ayaa garoonkayda caanka ahvee Anfield kusoo dhawenaysa Chelsea, kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira, xili Reds ay hoggaminayso horyaalka, halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 6-aad iyagoo leh 14-dhibcood.
Blues ayaa bar-baro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay kooxda Nottingham Forest kahor fasaxa xulalka.

Waxa laga badiyay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen Anfield, laakiin taasi waxa ay ahayd guuldaro 4-1 ah ayay kalasoo kulmeen Chelsea garoonka Anfield xilli ciyaareedkii hore.

Xogta: Kulanka

Kulanka: Liverpool Vs Chelsea:

Tartanka: Premier League

Wareegiisa 8-aad.

Wakhtiga: 18:30-Maqribnimo.
Garoonka: Anfield. 🏟

Garsooraha: John Brooks: England.🇬🇧

Warka kooxaha kahor kulanka

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa shaki ka muujiyay taam ahaanshaha Alexis Mac Allister, Waturu Endo iyo Kostas Tsimikas.

Goolhaye Alisson ayaa weli dhaawac ku maqan laakiin Caoimhin Kelleher ayaa soo laabtay ka dib markii uu ka soo kabsaday xanuun.

Kooxda Chelsea ayaa waxaa ka maqan xiddigaha Wesley Fofana iyo Marc Cucurella, kuwaas oo labadooba hal kulan ganaax ku maqan.

Xiddiga Reece James ayaa mar kale taam ah kadib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah, waxaana laga yaabaa inuu safto kulankiisa ugu horreyay ee xilli ciyaareedka.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

  • Blues ayaa badisay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay banaanka ku wajahday Liverpool (5-bar baro iyo 3 guul darro).
  • Kadib seddex guuldarro oo xiriir ah oo horyaalka ah oo ay kala kulantay Chelsea intii u dhaxeysay 2013 iyo 2014, Liverpool ayaa laga badiyay kaliya labo jeer 19kii kulan ee lasoo dhaafay (7 guul, 10 barbaro).
  • Arne Slot waa tababarihii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee badiyay sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu hogaamiyo tartamada oo dhan.
  • Waa markii seddexaad oo kaliya oo ay Reds badiso sagaal ka mid ah 10kii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka, iyagoo sameeyay 1961-62 iyo 1990-91.
  • Cole Palmer (28 gool, 16 caawin) ayaa si toos ah ugu lug lahaa 44 gool 40 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Chelsea.
  • Chelsea ayaa dooneysa inay badiso afartii kulan ee ugu horeysay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedka, kaliya markii seddexaad, ka dib 2005-06 (afar) iyo 2008-09 (sideed).
  • Enzo Maresca ayaa isha ku haaya in uu noqdo tababarihii shanaad ee ku guulaysta mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu horaysay ee uu ku soo ciyaaray meel ka baxsan gurigiisa Stamford Bridge ee Premier League, mid ka mid ah afartii kulan ee hore ee sidaas sameeyay ahna tababarihii afaraad waa Arne Slot.
  • Blues ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.
  • Liverpool ayaa barbaro gashay 8-kamid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Chelsea tartamada oo dhan.
  • Kooxda Reds ayaa barbaro gashay qeybta nasashada iyo waqtiga buuxa ee 8-kamid ah 9kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Chelsea tartamada oo dhan.
  • Reds ayaa shabaqeeda ilaashatay 6-kamid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay (Premier League).
  • Mohamed Salah ayaa kaliya afar gool u dhaliyay Liverpool 18 kulan oo uu ka horyimid Chelsea tartamada oo dhan, mana jiro wax gool ah uu ka dhlaiyay Chelsea shantii kulan ee ugu dambeeyay.

Shaxaha Macquulka Labada Koox:

Liverpool possible starting lineup:
Kelleher; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Jones, Gravenberch; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Jota

Chelsea possible starting lineup:
Sanchez; Gusto, Disasi, Colwill, Veiga; Caicedo, Fernandez; Madueke, Palmer, Sancho; Jackson.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version