Kooxda Liverpool ayaa qorsheyneysa inay 50 milyan oo euro kula soo wareegto daafaca ka ciyaara horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u calaamadsatay daafaca kooxda Borussia Dortmund ee Nico Schlotterbeck inuu yahay bedelka Virgil van Dijk, sida laga soo xigtay warsidaha Caught Offside.

Daafaca reer Holland ee Van Dijk ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu kula joogo Reds walina ma saxiixin qandaraas cusub oo uu kusii joogaayo qalcadda Anfield.

Van Dijk ayaa door muhiim ah ka qaatay guulaha ay gaartay kooxda ka dhisan Merseyside-ka inta uu majaraha u haayay macalin Jurgen Klopp tobankii sano ee la soo dhaafay. 

33-sano jirkan ayaa ku biiray Liverpool bishii Janaayo 2018-kii, isagoo Van Dijk oo uu ku soo baxay mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka isaga oo ku sugan Anfield waxana uu guulo waaweyn la gaadhay Reds, wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Premier League markii ugu horreysay xili ciyaareedkii 2019-20.

Ciyaaryahanka reer Holland ayaa sidoo kale kula guuleystay Champions League iyo FA Cup, iyo koobab kale, kooxda ka dhisan Merseyside-ka.

Kooxda reer England ayaa u aqoonsatay Schlotterbeck inuu yahay ciyaaryahanka ugu haboon ee buuxin kara booska Van Dijk. 

Schlotterbeck ayaa kasoo muuqday 96-jeer kooxda Bundesliga ka dhisan, wuxuuna sidoo kale ka mid yahay ciyaartoyga xulka Jarmalka.

Liverpool ayaa sida muuqata diyaar u ah inay bixiso 50 milyan oo euro oo ay kula soo wareegto xididga reer Germany iyo kooxda Dortmund ee Schlotterbeck.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Merseyside ayaa tartan kala kulmi doonta Newcastle United oo ku aadan daafaca Jarmalka.  Qandaraaska Schlotterbeck ee Signal Iduna Park wuxuu soconayaa ilaa 2027.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version