Manchester United ayaa waxay doonaysa in ay soo afjarto shan kulan oo guul la’aan ah tartamada oo dhan marka ay Old Trafford ku soo dhaweeyaan Brentford kulan ka tirsan horyaalka English Premier League.
Labada kooxood ayaa ku kulmaya markii ugu horeysay tan iyo bishii March markaas oo ay ku kala tageen barbaro 1-1 ah garoonka Gtech Community Stadium.
Manchester United ayaa gashay fasaxa caalamiga ah kadib shan kulan oo ay ciyaartay oo ayna wax guul ah gaadhin dhamaan tartamada.
Tababaraha kooxda Manchester United ee ten Hag ayaa lasoo warinaya in mustaqbalkiisa kooxda uu shaki ku jiro mana cadda, waxaana tababaaha reer Holland uu aad u doonayaa inuu kulankan guul ku hoggaamiyo kooxdiisa Red Devils.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo dhawenaysa gurigooda Old Trafford naadiga Brentford kulan ka tirsan horyaalka English Premier League asbuuca 8-aad.
United ayaa kulankan soo galaysa iyaga oo doonaaya inay guul ka gaadhan Brentford madama ay ku jiraan kaalinta 14-aad ee kala sarreynta horyaalka EPL
Kulanka: Manchester United Vs Brentford:
Tartanka: Premier League
Wareegiisa 8-aad.
Wakhtiga: 17:00-Galabnimo
Garoonka: Old Trafford Stadium.
Garsooraha: Samuel Barrot: England 🇬🇧
Wararka kooxaha kahor kulanka.
Kooxda martida loo yahay waxaa ka maqnaan kara ilaa sagaal ciyaaryahan oo dhaawac ama xanuun ku seegaaya kulankan.
Erik ten Hag ayaa rajeynaya inuu helo adeegyada xiddigaha Mason Mount iyo Alejandro Garnacho.
Daafaca kooxda Manchester United ee Noussair Mazraoui ayaa diyaar u ah inuu kasoo muuqdo kulanka ay wajahaayn Brentford kadib qaliin yar oo dhinaca wadnaha ah looga sameeyay intii lagu jiray suuqa kala iibsiga.
Sido kale xiddigaha Manuel Ugarte, Alejandro Garnacho iyo Amad ayaa dhamaantood suurtagal ah in la helo inkastoo walaac laga qabo waxayna tababar la qaateen kooxda inteeda kale laakiin Kobbie Mainoo iyo Harry Maguire ayaa labadoodaba dhowr isbuuc garoomada ka maqnaan doona kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaareen kulankii Aston Villa.
Geesta kalena weeraryahanka kooxda Brentford ee Yoane Wissa ayaa wajahaya tijaabo caafimaad oo ku saabsan dhaawaca canqowga ah kaas oo sababay inuu seego seddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
Mathias Jensen iyo Igor Thiago ayaa ku dhow inay soo laabtaan oo ay wajahaayn Man United.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
- Kooxda Manchester United ayaa waxa ay ku guuldareysatay in ay gool dhaliso 3-dii kulan ee ugu dambeeyay (Premier League).
- Manchester United ayaa waxa ay badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Brentford tartamada oo dhan.
- Brentford ayaa badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka (2 bar-baro, 7 guuldaro).
- Manchester United ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League (2 bar-baro, iyo 3 guul darro).
- Brentford ayaa laga badiyay dhamaan seddexdii kulan ee Premier League ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan.
- Bruno Fernandes ayaa ku fashilmay inuu gool u dhaliyo Manchester United 15-kii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
- Bees ayaa laga badiyay 15 ka mid ah 22-kii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore (5 guul iyo 2 bar-baro).
- Christian Eriksen ayaa ku lug lahaa lix gool shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, seddex gool iyo seddex caawin.