Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: CiyaarSide
Kooxda Southampton ayaa Axada ku marti galin doonta Liverpool garoonka St. Mary’s kulan ka tirsan horyaalka English Premier League. Southampton ayaa haatan ku jirta qaab ciyaareed niyad jab leh iyada oo laga badiyay 5-kulan lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ka hor inta ayna booqan Liverpool. Saints waxa ay u baahan yihiin in ay bilaabaan in ay dhibco helaan hadii ay doonayaan in ay ilaashadaan maqaamkooda koox ahaan ee heerka sare xilli ciyaareedka dambe. Waxa ay ku jiraan kaalinta ugu hooseysa ee kala sareynta horyaalka iyagoo badiyay kaliya hal-kulan 11 kulan oo horyaalka ah. Dhanka kale, Liverpool ayaa rajeyneysa inay…
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku xasuuqay garoonka Etihad Stadium oo ay ku ciyaarto Man City kadib markii ay uga adkaatay 4-0 kulan ka tirsanaa horyaalka waddanka Ingariiska ee Premier League. Goolasha Tottenham Hotspur waxaa u wada dhaliyay James Maddison oo ka dhaliyay Citizens 2-gool iyo Pedro Porro iyo sidoo kale <span;>Johnson. Xaqiiqoyinka Laga Diiwaan Galiyay Kadib Kulanka Man City Vs Tottenham Hotspur. ●Rikoodhka guuldaro la’aanta ee Man City ee gurigeeda horyaalka ayaa soo dhamaaday kadib markii gurigooda looga adkaaday 4-0. ●Spurs ayaa guul ka gaartay labada Man Utd & Man City isla xilli ciyaareedkan Premier League markii ugu horeysay taariikhdooda…
Kooxda kubadda caagta ayaa guul rafaad leh kaa gaartay dhigooda Leicester City kulan ka dhicay guriga kooxda lagu naanayso Foxes ee King Power Stadium. Tababaraha kooxda Chelsea ee Enzo Maresca ayaa xaqiijistay saddexda dhibcood markii uu ka hortagay kooxdiisii hore ee Leicester City garoonka King Power stadium. Tababaraha reer Talyaani ayaa maamulay kooxda Foxes xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku hogaamiyay hanashada horyaalka heerka labaad. Halyeyga reer Argentine Enzo Fernandez ayaa qabsaday bandhigga garoonka kadib bandhig wacan oo cajiib ah oo uu ka sameeyay kulanka Leicester & Chelsea. Waxa uu dhaliyay gool iyo caawin isaga oo u gacangeliyay kooxda martida loo…
Kooxda Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay dhigooda Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League wareegiisa 12-aad. Kooxda Arsenal ayaa ahayd ciyaarta mid ay ka gacan sarreyasy kooxda Nottingham Forest dhankasta marka loo eego, iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed loo riyaaqay. Goolasha Arsenal waxaa kala qaybsaday xiddigaha Bukayo Saka, Thomas Partey, iyo Ethan Nwaneri Kooxda kubadda cagta Gunners ayaana kusoo laabatay waddada guulaha kadib natiijooyinkii xumaa ay soo gaaray kulamadii ugu dambeeyay. Kulankan ayaana ugu dambeyntii kusoo dhamaaday 3-0 oo ay guushu ku raacdaay kooxda Arsenal.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan saxiixa garabka midig kooxda AC Milan iyo xulka USA ee Christian Pulisic suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda. Kooxda ka dhisan Serie A ayaan diyaar u ahayn inay ku fasaxdo 26 jirkan wax ka yar €60m, oo euro sida laga soo xigtay Calciomercato (via The Hard Tackle). Iyadoo ay weheliso kooxda ay xafiiltamaan ee Premier League, West Ham United ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay xiiso u muujisay saxiixa Christian Pulisic. Reds ayaa lagu soo waramayaa in ay doonaysay in ay keento Anfield xiddigii hore…
Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka waddanka Spain La Liga ee Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay ku soo laabato wadada guulaha, marka ay wajahayaan kooxda Celta Vigo. Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah kooxaha ugu awooda badan qaaradda Yurub, iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waxayna hoggaminayaan horyaalka waddanka Spain ee La Liga 13-kulan oo ay ciyaareen waxay leeyihiin 33-dhibcood 11-kulaan ayay guul gaareen halka laba kulan ay qasaaro la kulmeen. Kooxda martida loo yahay ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabatay si isku dhafan, waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta 11-aad ee miiska kala sarreynta iyagoo leh…
Kooxda Manchester City ayaa isku dayi doonta in ay ku soo laabato wadada guusha marka ay Tottenham Hotspur ku marti galiso fiidnimada sabtida garoonka Etihad. Manchester City ayaa laga badiyay afar kulan oo isku xigta tartamada oo dhan, Pep Guardiola ayaana ka dalban doona qaab ciyaareed xoogan ciyaartoydiisa kulanka Tottenham Hotspur ay ku wajahayan habeenka sabtida garoonka Etihad. Kooxda ku guulaysatay horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League ayaa isku dayi doonta inaysaan soo gaarin guuladardii shanaad oo xidhiidh ah kulanka ay ku qaabilayaan gurigooda Etihad Tottenham Hotspur. Dhanka kale kooxda Tottenham Hotspur ayaa kulankan soo galaysa iyada oo laba guuldaro…
Kooxaha ugu waa wayn horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A AC Milan iyo Juventus ayaa ku kulmaaya qalcadda San Siro oo ay ku ciyaarto kooxda Milan. Juventus ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka Serie A-da iyada oo aan wali wax horumar ah ka samayn horyaalka xilli ciyaareedkan. Bianconeri ayaa 2-0 kaga badisay Torino kulankoodii hore waxayna eegi doonaan inay gaaraan natiijo la mid ah isbuucaan. Dhanka kale AC Milan ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo xilli ciyaareedkan aan si joogto ah bandhig fiican ku jirin. Kooxda Rossoneri waxa ay barbaro 3-3 ah…
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inaysan awoodi doonin inay maalgeliso u dhaqaaqista xiddiga reer Sweden ee Viktor Gyokeres sanadka 2025, sida laga soo xigtay SPORT. Xilli ciyaareedkii hore, Gyokeres waxa loo diwaan galiyay 43 gool iyo 15 caawin 50 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ah. Waxa uu horay u soo dhaliyay 23 gool iyo afar caawin 18 kulan oo uu ololahan ciyaaray. Kooxda Catalan ayaa waxaay dejinaysaa qorsho ay doonayso inay ku beddesho Robert Lewandowski waxayna u aqoonsadeen Gyokeres dookha saxda ah. Ciyaaryahanka ayaa qandaraas kula jira kooxda reer Portugal ilaa 2028, waxaana loo badinayaa…
Kooxda Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Atalanta ee Ademola Lookman, kaasoo sidoo kale oo ay dooneyso kooxda Premier League ka ciyaarta ee Manchester United, sida laga soo xigtay Fichajes. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u wanaagsan, isagoo soo jiitay qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan ee qaaradda Yurub. laacibka ugu cad cad ee u tartami doona abaalmarinta CAF 2024 ciyaaryahankii ugu fiicnaa Afrika, isla markaana ah ninka kaliya ee Afrikaan ah ee u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or sanadkan, Lookman ayaa ah midka ah weeraryahanada ugu…