Author: CiyaarSide

Kooxda Manchester City ayaa safraysa garoonka Wolves ku ciyaarto ee Molineux Stadium kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League wareegiisa 8-aad. Kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League Manchester City ayaa 3-2 kaga adkaatay Fulham kahor fasaxa kulamada caalamiga ah halka kooxda Wolverhampton looga adkaaday 5-2 oo ay kaga adkaatay Brentford kahor kulamada fasaxa caalamiga ah. Xoggta: Kulanka Kulanka: Wolves Vs Man City: Tartanka: Premier League Wareegiisa 8-aad. Wakhtiga: 16:00-Galabnimo. Garoonka: MolineuxStadium. 🏟 Garsooraha: Chris Kavanagh.England.🇬🇧 Wararka Kooxaha Kahor Kulanka Weeraryahanka kooxda Wolverhampton Wanderers ee Hwang Hee-chan ayaa seegaya kadib markii uu ka dhaawacmay canqowga isagoo u…

Read More

Kooxda Liverpool ayaa garoonkayda caanka ahvee Anfield kusoo dhawenaysa Chelsea, kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira, xili Reds ay hoggaminayso horyaalka, halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 6-aad iyagoo leh 14-dhibcood. Blues ayaa bar-baro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay kooxda Nottingham Forest kahor fasaxa xulalka. Waxa laga badiyay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen Anfield, laakiin taasi waxa ay ahayd guuldaro 4-1 ah ayay kalasoo kulmeen Chelsea garoonka Anfield xilli ciyaareedkii hore. Xogta: Kulanka Kulanka: Liverpool Vs Chelsea: Tartanka: Premier League Wareegiisa…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Brentford kulan ka dhacay garoonka Old TraffordKooxda Brentford ayaa goolka koowaad heshay daqiiqaddii 45+5-daqiio waxaana u dhaliyay xiddigooda Ethan Pinnock kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.Qaybta dambe ee ciyaarta Man United ayaa si der der leh ku bilaabatay waxana goolla barbaraha u dhaliyay xiddigoodaAlejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.Alejandro Garnacho ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay Man Utd afar kulan oo Premier League ah.Kooxda Man United ayaa ugu dambeen heshay goolka 2-aad ee guusha daqiiqadii 62-aad waxaana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa sida muuqata ka qoomamaynaysa in ay Kylian Mbappe si xor ah ugula soo wareegtay xagaagan PSG kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in loo haysto kiis kufsi oo lagu eedeeyay.25-sano jirkan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Los Blancos seddex sano kahor inta uusan kasoo tagin Paris Saint-Germain xagaagan, kagadaal markii kooxda reer France ay diiday labo dalab oo waa wayn ay ka gudbisay Real Madrid xagaagii 2021.Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu wacdaro xoogan uu ka dhigo ilaa iyo haatan garoonka Santiago Bernabeu, inkastoo uu haatan dhaliyay todobo gool iyo hal caawin 11…

Read More

Kooxda Real Madrid ayaa usafri doonto kulanka Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga gaar ahaan kulmada 10-aad.Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa kamid ah xiddigaha ugu fiican ee soo maray taariikhda Real Madrid.Modric ayaa waxa uu ku soo bilowday seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay, waxaana uu sameeyay caawin kulankii ugu dambeeyay ee Villarreal.Sidaas oo ay tahay, lama filaayo inuu ku soo bilowdo kulanka Celta Vigo oo soo dhici doono caawa 22:00-habeenimo xiliga geeska AfricaSi kastaba ha ahaatee, waxaa loo badinayaa in Modric uu ka soo muuqan doono kulanka Celta…

Read More

Daaficii hore kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ee Raphael Varane ayaa xaqiijiyay doorkiisa cusub ee kooxda Serie A ee Como kadib markii uu go’aansaday inuu isaga fariisto kubadda cagta. Halyeyga reer France ee 31 jirka ah ayaa ku biiray kooxda Seria A ee Como xagaagii 2024, isaga oo u saxiixay heshiis laba sano ah.Varane ayaa soo gaaray dhaawac halis ah bishii August ee sanadkan wuxuuna sababy inuu uga fariisto kubadda cagta dhawacii kasoo gaaray dhanka jilibka.Kooxda Como FC ayaa waxay ku dhawaaqday in Varane uu ku biiri doono guddiga kooxda, wuxuuna noqon doonaa ugu lataliye xagga horumarinta dhalinyarada, waxbarashada,…

Read More

Kooxda Real Madrid ayaa u safri doonto Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga gaar ahaan kulmada 10-aad. Real Madrid ayaa waxa ay isku dayi doontaa in ay sii wadato guulaha xiriirka ah kulanka ay ku wajahayso kooxda Celta Vigo gurigooda Estadio Municipal de Balaidos habeenka sabtida waxaana garsoori doono Alejandro Hernandez oo ah garsoore Spain. Los Blancos ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyadoo 21 dhibcood ka heshay sagaalkii kulan ee furitaanka tartankan, halka Celta Vigo ay ku jirto kaalinta 9aad, iyadoo aruursatay 13 dhibcood sagaal kulan oo ay ciyaartay. Real…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa marti u ah kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League gaar ahaan kulamada 8-aad. Gunners ayaa kulankan soo galaysa iyaga oo leh 17-dhibcood, xili ay ku jiraan kaalinta 2-aad miiska kala sarreynta horyaalka EPL. Arsenal ayaa guul gaartay 5-kulan oo horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League, kulankoodii ugu dambeeyay 3-1 ayay kaga adkaadeen Southampton labo usbuuc ka hor, halka Cherries ay 1-0 ku garaacday Leicester City oo aan ilaa hadda badin. Kulanka: Bournemouth Vs Arsenal Tartanka: Premier League Wareegiisa 8-aad. Wakhtiga: 19:30-Habeenimo Garoonka: Vitality Stadium. Garsooraha: Robert Jones England 🇬🇧…

Read More

Manchester United ayaa waxay doonaysa in ay soo afjarto shan kulan oo guul la’aan ah tartamada oo dhan marka ay Old Trafford ku soo dhaweeyaan Brentford kulan ka tirsan horyaalka English Premier League. Labada kooxood ayaa ku kulmaya markii ugu horeysay tan iyo bishii March markaas oo ay ku kala tageen barbaro 1-1 ah garoonka Gtech Community Stadium. Manchester United ayaa gashay fasaxa caalamiga ah kadib shan kulan oo ay ciyaartay oo ayna wax guul ah gaadhin dhamaan tartamada. Tababaraha kooxda Manchester United ee ten Hag ayaa lasoo warinaya in mustaqbalkiisa kooxda uu shaki ku jiro mana cadda, waxaana tababaaha reer…

Read More

Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan daafaca kooxda RB Leipzig ee Castello Lukeba. 21-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Bundesliga ka dhisan. Tan iyo markii uu ka yimid kooxda reer France ee Lyon xagaagii hore, daafaca dhexe xulka Faransiiska ayaa dhaliyay hal gool oo qura 49 kulan oo uu kasoo muuqday tartamada oo dhan. Waxa uu kasoo muuqday sideed jeer tartamada xilli ciyaareedkan, isagoo kusoo bilaawday toddobo kamid ah 8-kulan. Xiddiga reer France ee Lukeba ayaa kooxdiisa RB Leipzig kula jiro heshiis soconaaya ilaa sanadka 2028, wuxuuna xiiso…

Read More