Author: CiyaarSide

Man City ayaa ka dhex aragtay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga beddelka mustaqbalka fog xididga reer Norway ee Haaland waana xiddiga kooxda <span;>Eintracht Frankfurt. Xididga kasoo jeeda xulka Norway iyo kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa lala xiriirinaya inuu ka tagaayo Manchester City, kadib markii la xaqiijiyay inay ku loolamayaan kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid. Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Manchester City ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto weeraryahanka Eintracht Frankfurt Omar Marmoush si uu u noqdo bedelka Erling Haaland. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay…

Read More

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay miiska saarto lacag dhan 100-milyan oo euro si ay u xaqiijiso adeega xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni. Liverpool ayaa isha ku haysa in ay xoojiso qadkooda dhexe, waxayna indhaha ku hayaan xiddiga Real Madrid iyo xulka faransiiska ee Aurelien Tchouameni. Sida laga soo xiganaayo wargayska caanka ah ee Isbaanishka kasoo baxa ee Fichajes, Reds ayaa isha ku haysa in ay soo gudbiso dalab 100milyan oo Yuuro ah bisha Janaayo si ay u keento garoonka Anfield. Tchouameni ayaa ah aamid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda Los Blancos tan iyo…

Read More

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshay beddelka xiddiga reer Belgium ee Trossard. Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo ee sanadkii 2023, Gunners ayaa  21 milyan ginni kagasoo qaadatay Trossard kooxda Brighton & Hove Albion. Trossard oo 29-sano jir ah ayaa gacan ka geystay 20 gool iyo 13 caawin 81 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan. Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Mirror, kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsena ayaa doonaysa inay Trossard ku beddalaan xiddiga kooxda West Ham United ee Mohammed Kudus. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa jooga…

Read More

Kooxda Manchester City ayaa diyaar u ah inay miiska saarto lacag dhan 150 milyan oo euro si ay ula soo wareegto Rodrygo Goes xagaaga soo socda. Sida laga soo xigtay warsidaha Isbaanishka ah ee Fichajes, Manchester City ayaa aad u doonaysa xididga reer Brazil ee Rodrygo Goes waxayna miiska u saari doontaa adduun dhan 150 milyan oo euro. Man City ayaa waxaa mustaqbalka dhaw tagi kara macalin Pep Guardiola Kevin De Bruyne iyo sidoo kale Haaland kuwaas oo aan mustaqbalkooda la hubin. Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar la tahay 150 milyan oo euro si ay ula soo wareegto…

Read More

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabaan xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior. Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee Fichajes, Vinicius Junior ayaa diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Real Madrid, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil lala xidhiidhinaayo kooxaha ugu waa weyn ee qaaradda Yurub. Vinicius ayaa wuxuu ka soo baxay kuliyadda Akadeemiyada kooxda Flamengo, waxayna Los Blancos ay kusoo iibsatay lacag qaali ah xagaagii 2018. Ciyaaryahanka ka qalin jabiyay Kuliyadda Akadeemiyada kooxda Flamengo ayaa dhaliyay 24 gool iyo 11 caawin xilli ciyaareedkii hore. Qandaraaska uu kula jiro Madrid, xididga reer…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay lasoo wareegto xididga kooxda Man City iyo xulka Norway ee Erling Haaland si uu ugu noqdo beddalka xididga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr, kaas oo u muuqda mid hadal hayntiisa ay issa soo taraysa islamarkaana lagu wado inuu kooxda ka tago sanadka dambe. Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Fichajes, Madrid ayaa diyaarinaysa dalab gaaraya 200 milyan euro ah oo ay ku doonayaan xididga reer Norway iyo City ee Haaland 2025. Qorshaha ay damac san tahay Madrid ayaa ah in Haaland uu beddelo Vinicius Jr,…

Read More

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka waddana Spain La Liga ee Barcelona ayaa doonaysa in ay gaadho guushaydii 11-aad ee xilli ciyaareedka cusub marka ay marti u noqoto kooxda ku jirta kaalinta 17-aad ee Espanyol. Barcelona ayaa doonaysa in ay afar guul oo xiriir ah horyaalka La Liga gaadho kulanka Espanyol oo labadii kulan ee ugu danbeeyay laga soo badiyay horyaalka La Liga, waxayna ku soo dhawaynaysaa Estadi Olimpic Lluis Companys fiidnimada maqribka Blaugrana ayaa hoggaanka u haysa miiska dhibcaha iyagoo leh 30 dhibcood 11kii kulan ee ay ciyaareen. Waxa ay farqi lix dhibcood ah ka sareeyaan Real Madrid oo ku…

Read More

Kooxda Manchester United ayaa garoonkayda canaka ah ee Old Trafford ku marti galineysa Chelsea kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League. Kulankan ayaa ah kan ugu xiisaha badan todobaadkan ee horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League kaas oo ku dhex maraaya Old Trafford Man United iyo Chelsea. Man United ayaa iska ceydhiisay isniintii hore Erik ten Hag kadib markii uu ku hogggamiyay kooxda guuldarooyin balse kulankan waxaa si ku meel gaar ahaan u maamuli doono Ruud van Nistelrooy. Xogta: Kulanka Tartanka: Premier League Wareegiisa: 10-aad. <Garoonka: Old Trafford Stadium 🏟 Saacadda: 19:30-habeenimo. Garsoore: Robert Jones 🏴󐁧󐁢󐁥󐁮󐁧󐁿 Xaqiiqoyinka Kulanka…

Read More

Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside, Manchester United ayaa raadinaysa in ay Khvicha Kvaratskhelia kula soo wareegto adduun dhan 90-milyan oo ginni. Tababaraha cusub Man United ee dhawam si rasmi ah loogu dhawaqi doono ee Ruben Amorim ayaa waxa uu rajeynayo inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxda islamarkaana uu ka dhaqan galiyo shax cusub oo uu isaga wato. Kvaratskhelia ayaa ku biiray kooxda Neopolitan xagaagii 2022 isagoo kaga soo biiray kooxda Dinamo Batumi adduun dhan 13.3 milyan euro. Kvaratskhelia ayaa waxa uu u saftay kooxda Napoli 100-kulan waxana uu u dhaliyay 30 gool halka uu sameeyay 28-caawin isaga oo kooxda…

Read More

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan saxiixa 24 jirka weerarka uga ciyaara xulka Brazil ee Vinicius Junior oo ka tirsan Real Madrid. Sida laga soo xigtay warsidaha Fichajes, kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa xiiseenaya weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior, kaas oo 15 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan. Laacibka reer Brazil ayaa kamid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta, waxaana laga yaabaa inuu noqdo saxiix wayn oo ay ku loolamayaan kooxaha Ingiriiska. Dhanka kale, Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale ku jirta tartanka seddex geesoodka ah ee saxiixiisa. Vinicius Junior ayaa wuxuu ka…

Read More