Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: CiyaarSide
Inter Milan ayaa garoonkeeda San Siro ku soo dhawaynaysa kooxda Arsenal kulan wayn oo Champions Leaque-ga ah, waxayna labada kooxoodba doonayaan in ay guul gaadhaan. Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa isku dayi doona inuu guul ka gaadho Arsenal kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa afaraad wuxuuna ka dhici doono qalcadda San Siro. Kooxda heysata horyaalka talyaaniga ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed wanaagsan tan iyo guuldaradii kasoo gaartay AC Milan kulankii Derby, iyagoo badiyay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan. Xaqiiqoyinka Kulanka: ●Inter Milan ayaan wax guuldaro ah la kulmin…
Cristiano Ronaldo shaki la’aan waa mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu fiicnaa ee soo mara kubbadda cagta. Isagoo kasoo dhalaalay kooxaha sida Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, waxa uu jabiyay rikoodho badan oo uu ku xoojiyay maqaamkiisa waa gooldhaliyaha ugu sarreya kubadda cagta Laakiin waa kuwee 39-sano jirka saaxiibadiisa ugu weyn? Halyayga laftiisu waxa uu fikradiisa ka dhiibtay arrinta sanadkii hore mar uu waraysi siinayay Goal Arabia, iyo Planet Football. Marka la eego tirada kooxaha cajiibka ah uu u soo ciyaaray, Ronaldo waxa uu lahaa tayo badan oo dhankasta ah Cristiano Ronaldo ayaa waqti qurux badan lasoo qaatay waayihiisa ciyaaraha, xiddigo badan oo…
Xalay waxaa la ciyaaray kulamada afaraad ee wajiga kowaad ee tartanka horyaalka qaarada Yurub ee UEFA Champions League, waxaana kasoo baxay natiijoyin aan la fileyn. Manchester City ayaa marti ugu ahayd garoonka Estadio Jose Alvalade kooxda Sporting CP kulan ka tirsan tartanka Champions League wareegiisa 4-aad waxaana loogu dhigay cashar lama iloobaan ah kadib markii lagu garaacay 4-1-City. Goolal ka kala yimid xiddigaha kala ah Victor Gyokeres oo seddexlay cajiib ah ka dhaliyay Man City iyo sidoo kale Arujo oo raacadssy gool afaraad ayay ku badiyeen Sporting CP, halka goolka madiga ah City uu u dhaliyay Foden daqiiqaddii 4-aad. Waxaana…
Daafaca kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa bilihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo Manchester United ay dooneyso inay hesho saxiixiisa. Sida laga soo xigtay wargayska Give Me Sport, Manchester United ayaa quus ka taagan suurtagalnimada ay kula soo wareegto 24 jirka daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Alphonso Davies. Laacibka ayaa sidoo kale waxaa isha ku haaya Real Madrid, waxaana ay u muuqataa in kooxda heysata horyaalka La Liga ay noqon karto kuwa ugu cadcad si ay u xaqiijiso saxiixiisa haatan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Canada ayaa lagu soo waramayaa inuu qaaato mushaar…
Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Cody Gakpo ayaa ku tilmaamay Cristiano Ronaldo inuu yahay dhameystiyihii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta. Kooxda Merseyside-ka ayaa si fiican ku bilaabatay ololaha 2024-25 iyada, oo Reds uu hoggaamiyo macalin Arne Slot waxay ku hoggaaminayaan EPL laba dhibcood oo ay ka sarayso kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City. Inkastoo uu ku soo bilowday kaliya seddex kulan oo horyaalka ah, Gakpo ayaa kasoo muuqday dhamaan kulamadii kooxdiisa ololahan. Weeraryahanka reer Holland ayaa dhaliyay shan gool waxaana uu caawiyay labo gool 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Waxa uu dhawaan dhaliyay…
Kooxda Liverpool ayaan wax niyad ah u hayn bixitaanka Federico Chiesa inkasta oo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in ay heshiis isku beddalasho ah kula jiraan Ac Milan. U dhaqaaqista Federico Chiesa ee Liverpool ayaan runtii u shaqayn sidii loo qorsheeyay, waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda. Laakiin, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Football Insider, Liverpool ma rabto inay iska iibiso saxiixeeda xagaaga ee Janaayo. Warbixin ka soo baxday MilanLive ayaa soo jeedisay in kooxda Merseyside ay ka fikirayso in Chiesa ay u isticmaasho heshiis gorgortan ah si ay u hesho adeega xididga AC Milan ee Tijjani Reijnders.…
Kooxda Juventus ayaa caawa u duuli doonto dhigooda kooxda Faransiiska ee Lille kulan ka tirsan tartanka Champions League wareegiisa 4-aad kaas oo ka dhacaya qalcadda Stade Pierre Mauroy. Juventus ayaa rajeyneysa caawa inay ka adkaato kooxda dhibka badan faransiiska ee Lille oo ay ku booqan doonto Stade Pierre Mauroy. Kadib guuldaradii furitaanka ee ka soo gaartay kooxda Sporting CP, oo uga adkaatay 2-0 kooxda Lille hasa aahaatee waa ay soo roggaal celiyeen kulamada is arkeen kooxda Real Madrid iyo Athletic Madrid waxay uga adkeen 1-0 Real Madrid iyo Athletic Madrid oo looga adkaaday 3-1 Rigoore uu dhaliyay Jonathan David ciyaartii…
Kooxda Manchester City ayaa caawa u safri doonto dhigooda Sporting Lisbon kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 4-aad. Sporting CP iyo Manchester City waxay higsan doonaan inay sii wataan bilawga guuldarro la’aanta ee ololahooda UEFA Champions League marka ay ku kulmaan garoonka Jose Alvalade caawa. Kooxaha Sporting CP iyo Manchester City aan laga badinin xilli ciyaareedkan tartanka UEFA Champions League. Intaa waxaa dheer, kulanka Talaadada waxaa isku haaya labada tababare oo dhawaan isku arki doona Manchester Derby, iyadoo Ruben Amorim uu toddobaad gudihiis la wareegi doono tababaraha cusub ee Manchester United. Xaqiiqoyinka Kulanka. ●Sporting CP ayaa badisay kulankoodii…
Kooxda ka dhisan Serie A ee AC Milan ayaa wadada u mari doonta kooxda dhaawacantay ee Real Madrid oo doonaysa in ay ku soo laabato wadada guusha. Labada kooxood ee Real Madrid iyo AC Milan ayaa ku guulaystay in ay saddexda dhibcood qaateen kulankoodii ugu dambeeyay ee UEFA Champions League, waxayna doonayaan inay sii xoojiyaan kulanka marka ay isaga hor yimaadaan Santiago Bernabeu. Ciyaarta Los Blancos ee horyaalka La Liga ay wajahaysay Valencia ayaa dib loo dhigay kadib markii kooxda Valencia ay duufaano ku dhufatay.. Kooxda dhar cad-cadka ayaa nasasho ku jirtay tan iyo guuldaradii 4-0 ahayd ee ay kala…
Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 95milyan oo euro ku dalbato xididga William Saliba, oo ka tirsan Arsenal. Sida laga soo xigtay majaaladda Fichajes, Arsenal waxa ay Paris Saint-Germain ka heli kartaa dalab qaali ah oo dhan 95 milyan oo euro oo ay ku doonayso William Saliba. Dalab noocan oo kale ah ayaa laga yaabaa inuu burburiyo rikoodhka adduunka dafaca dhexe ee ugu qaalisan haatan maadaama Parisians ay diyaar u yihiin inay tijaabiyaan go’aanka kooxda London. Si kasta ha ahaatee, Mikel Arteta uma badna inuu iibiyo. William Saliba ayaa bbandhig cajiib ah ku jira inta uu…