Author: CiyaarSide

Xidigii hore ee kooxda Chelsea Hakim Ziyech, ahna kabtanka xulka qaranka Morocco, ayaa ku jeesjeesay dhibanayaasha ku waxyeeloobay weerararkii habeen hore lagu qaaday taageerayaasha kubada cagta Israel ee ciyaarta Amsterdam. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu ku sheegay in rabshadaha ka dhanka ah taageerayaasha Yuhuuda ay la mid tahay howlgallada ciidamada Israa’iil ay ka wadaan Qaza. “Haddii aysan ahayn haween iyo carruur markaas way cararaan,” ayuu qoray isagoo la wadaagaya muuqaal taageerayaasha Israa’iil oo ka cararaya kacdoon Falastiiniyiin ah oo taageeraya 11.4 milyan oo raacsan. “Waa inaan ka fikirnaa xornimada dadka Falastiin,” ayuu raaciyay hadalkiisa xiddiga muslimka ah ee…

Read More

Tababaraha kooxda Chelsea ee Enzo Maresca ayaa rajaynaaya inuu helo islamarkaana uu taam u noqdo xiddiga Cole Palmer kulanka London Derby ee wajahayan Arsenal Axadax kadib markii kubadsameeyaha uu ka dhaawacmay  jilibka kulankii barbaraha ay la galeen Manchester United todobaadkii hore. Cole Palmer ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkan 7 gool iyo shan caawin 10 kulan oo Premier League ah, taas oo ka caawisay in Chelsea ay soo fadhiistaan kaalinta afaraad ee kala sarreynta. Palmer ayaa seegay kulankii Chelsea ay ku xasuuqeen 8-0 kooxda <span;>Noah kaaas oo ka tirsanaa tartanka  UEFA Conference League wareegiisa 3-aad. Palmer oo 22-sano jir ah ayaan…

Read More

Macalinkii hore kooxaha Chelsea Real Madrid Inter Tottenham iyo United ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu qabto shaqada kooxda Newcastle United. 61-sano jirkan ayaa qabtay kooxda ka dhisTurkiga ee Fenerbahce xagaagii, kadib markii laga ceyriyay kooxda reer Talyaani ee Roma horaantii sanadka. Fenerbahce ayaa hadda fadhisa booska seddexaad ee kala sareynta Super Lig ka dib bilow adag, iyadoo shan dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha horyaalka ee Galatasaray. Sida laga soo xigtay The Guardian, tababaraha reer Portugal Mourinho ayaa doonaaya ku laabashada Premier League inkasta oo uu ku biiray Fenerbahce bilowgii xilli ciyaareedkan. Warbixinta ayaa sheegeysa in 61-sano jirkaan…

Read More

Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay ku soo laabato wadada guusha marka ay marti galin doonto Osasuna galabnimada sabtida. Madrid ayaa guuldarooyin xidhiidh ah ku soo gaadhay garoonka Santiago Bernabeu waxayna doonaysa in ay dib ugu soo laabato wadada guulaha ay la ciyaarayaan Osasuna oo qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday ololahan cusub. . Los Blancos waxa ay ku jirtaa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka,waxana ay leedahay 24-dhibcood,marka laga reebo waxay sagaal dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona oo uu kulan baaqi u yahay. Inkastoo aysan ku jirin heerkoodii ugu fiicnaa tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka.…

Read More

Ancelotti ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay xaaladda guud ay kooxda la daala dhacayso, guuldaroyin xanuun badan oo soo gaaray iyada oo shaki la galinaayo mustaqbalkiisa Madrid. Carlo ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay meelaha kooxda ay ka liidato kahor kulanka ay kusoo dhaweenayaan gurigooda Santiago Bernabeu galabnimada saabtida Osasuna kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga waregiisa 13-aad. Ancelotti ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan, <span;>”Waxaan u maleyneynaa inaan ogaanay dhibaatada, waan arki doonaa haddii taasi run tahay” Kadib guuldaradii seddexaad ee xilli ciyaareedkan ka soo gaartay AC Milan, Carlo Ancelotti ayaa la tacaalaya cadaadis…

Read More

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilada 17-jirka reer Portugal ee Geovany Quenda, kaas oo diirada u saaran Liverpool iyo Manchester United. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay TEAMtalk, Geovany Quenda ayaa bartilmaameed muhiim u ah kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsenal. Gunners ayaa la xiriirtay kooxda Sporting CP oo ku aadan xididga Quenda si ay ula soo wareegan.  Dhanka kale, xiddiga cajiibka ah ee reer Portugal ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester United oo ay ku loolamayaan saxiixiisa. 17-sano jirkaan ayaa u saftay kooxdiisii ​​ugu horeysay…

Read More

Barcelona ayaa qorsheyneysa inay heshiis is dhaafsi ah kula soo wareegto weeraryahanka Dortmund ee Karim Adeyemi, kaas oo loo arki kara Ferran Torres inuu aado Borussia Dortmund, sida laga soo xigtay Fichajes. Weeraryahanka reer Spain ayaa hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkan intii uu hogaaminayay Hansi Flick. Kooxda Catalans waxay heestaan mid ka mid ah weerarrada ugu awoodda badan adduunka xilligan. Seddexda ciyaaryahan ee Robert Lewandowski, Raphinha iyo Lamine Yamal ayaa awood u siiyay kooxda LaLiga inay hogaanka horyaalka qabtaan. Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyay 19-ghool waxaana uu caawiyay labo kale 16 kulan oo tartamada oo dhan ah. Dhanka…

Read More

Kooxda heysata horyaalka dalka Talyaaniga Serie A ee Inter Milan ayaa dalban doonta ku dhawaad ​​45 milyan oo Yuuro si ay u iibiso kubadsameeyaha reer Turkey ee Hakan Calhanoglu oo 30 jir ah, kaa soo diirada u saaran Manchester City. Sida laga soo xigtay warsidaha Caught Offside, Hakan Calhanoglu ayaa bartilmaameed u ah kooxda Manchester City, waxayna doonayaan inay keenaan qalcadda EtihadStadium. Kubad sameeyaha Inter Milan ayaa sidoo kale diirada u saaran Bayern Munich. Dhanka kale, kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa dalban doonta ku dhawaad ​​45 milyan oo Yuuro si ay isaga fasaxaan 30 jirkan khadka dhexe ka ciyaara.…

Read More

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko ayaa diiday inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal suuqii xagaaga iyadoo laga walaacsan yahay inuu noqon doono dooqa labaad ee Kai Havertz, saxafiga MailOnline Sami Mokbel ayaa daaha ka qaaday. 21-sano jirkan ayaa bartilmaameed muhiim ah u ahaa Mikel Arteta kahor xilli ciyaareedka cusub, hasa ahaatee ugu dambeyntii wuxuu doortay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Bundesliga ka dhisan, oo uu kusii joogaayo Leipzig ilaa Juun 2029. Sida laga soo xigtay Mokbel, Sesko wuxuu si dhab ah u tixgeliyey u dhaqaaqista Emirates xagaagii laakiin ma uusan hubin inuu si joogto ah uga mid noqon…

Read More

Kylian Mbappe waa da’yarka koowaa ee ugu qaalisan taariikhda kubbadda cagta, waxaana taas ugu wacan 180 milyan oo Yuuro oo uu uga soo wareegay AS Monaco kuna biiray Paris Saint-Germain  sanadkii 2018. Xiddiga reer France ayaa markii hore ugu biiray Parisians heshiis amaah ah oo hal sano ah ka hor inta aan heshiiska laga dhigin mid joogto ah. Waxa uu noqday Mbappe gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda PSG bishii Maarso 2023, isagoo dhaafay Edinson Cavani goolkii uu ka dhaliyay FC Nantes. Joao Felix waa da’yarka labaad ee ugu qaalisan abid kubadda cagta. Weeraryahanka reer Portugal ee Felix ayaa bandhig wacan ka sameeyay Benfica taas…

Read More