Author: CiyaarSide

Sida laga soo xigtay Real Madrid Confidencial, Los Blancos ayaan isha ku heyn u dhaqaaqista Theo Hernandez. Daafaca bidix ee reer France ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray kooxda Ac Milan xilli dambe waxana kooxda heysata horyaalka La Liga la sheegay in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixato 50 milyan euro xagaaga dambe. Si kastaba ha ahaatee, madaxda Santiago Bernabeu ayaan xiiseyneynin ciyaaryahanka maadaama ay indhaha ku hayaan Alphonso Davies. Qandaraaska xiddiga reer Canada ee Bayern Munich ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, mana uusan saxiixin heshiis cusub. Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo Davies ciyaaryahanka xagaaga soo…

Read More

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa inau hesho in ka badan 200 milyan oo euro si ay u fasaxdo Cole Palmer sida uu qabo Fichajes. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingiriiska ayaa noqday mid kamid ah xiddigaha ugu muhiim Blues, tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge xagaagii 2023. Waxa loo diiwaan geliyay Cole Palmer 11 gool iyo lix caawin 17 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inay baadi goobayaan kooxda Real Madrid. Los Blancos  ayaa dhawaan wax ka beddeshay qaabkeeda suuqa kala iibsiga waxaana ay hadda bartilmaameedsanaysaa ciyaaroyda da’da yar ee suuqa ku jira. Kooxda ka…

Read More

Sida laga soo xigtay warsidaha Defensa Central, Liverpool ayaa doonaysa Aurelien Tchouameni si uu qayb uga noqdo heshiiska ay isku dhaafsanayaan Ryan Gravenberch. Reds ayaa waqti dheer la dhacsan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska, waxaana ay isku dayeen inay la soo wareegaan 2022 kahor inta uusan u dhaqaaqin Santiago Bernabeu. Inkastoo Tchouameni uu weli yahay ciyaaryahan muhiim u ah macalin Carlo Ancelotti, waxaa la rumeysan yahay in Los Blancos ay isha ku hayso inay laso wareegaan xiddig ka ciyaara booska bur-buriyaha ee lambar lix, warbixinadii ugu dambeeyay ayaa soo jeediyay in ay indhahooda ku hayaan Gravenberch Laacibka reer Holland ayaa…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa la soo warinaayaa inay si dhow isha ugu haysa gool haye Mike Maignan, sida laga soo xigtay Fichajes.net. Goolhayaha reer France ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku jiray bandhig wacan oo aad u sarreeya kooxdiisa AC Milan, laakiin qandaraaskiisa San Siro ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. Maignan ayaa loo diiwaan geliyay lix kulan oo shabaqiisa ilaashaday 19 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan taas oo keentay dadaalka 29-jirkan inay mar hore arkeen kooxaha ugu waa weyn qaaradda Yurub. Red Devils ayaa sidoo kale ka mid ah liiska kooxaha doonaya waxaana…

Read More

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay siiso Chelsea laba xiddig sidoo kalana ay ku darto lacag kaash ah si ay Enzo Fernandez uga soo kaxeeyaan Chelsea. Fernandez, oo 23 jir ah, ayaa waxa uu dhawaan noqday mid kamid ag xiddigaha ugu muhiimsan ee Chelsea marka loo eego qaab ciyaareedkiisa wacan. Waxa uu shabaqa soo taabtay seddex jeer, waxaana uu gacan ka geystay lix caawin todobadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada xilli ciyaareedkan. Sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes.net, Barcelona ayaa u aqoonsatay xiddiga reer Argentina inuu yahay saxiix macquul ah…

Read More

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Theo Hernandez inuu yahay beddelka suurtagalka ah ee Alphonso Davies, sida laga soo xigtay Calciomercato via Madrid Universal). Kooxda La Liga ayaa isha ku haysa inay la soo saxiixato daafac bidix oo cusub sanadka 2025, waxaana ay muddo dheer la dhacsan yihiin ciyaaryahanka reer Canada  ee Davies. Alphonso Davies ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Bayern Munich, welina ma saxiixin heshiis cusub. Los Blancos waxa ay qorshaynaysaa in ay la soo wareegto marka uu dhamaado ololahan. Waxaa isa soo taraaya xiisaha loo qabo saxiixa ciyaaryahanka, reer Canada ee…

Read More

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ayaa caawa 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa ku marti gelin doonto garoonkooda Emirates Stadium London, AS Monaco kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 6-aad. Kooxda AS Monaco ayaa haatan ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta tartanka champions League xilli ciyaareedkan waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah. Kooxda Faransiiska ayaa 2-0 kaga badisay Toulouse isbuucaan, waxaana ay kalsooni ku qabaan inay ka adkaanayaan Arsenal. Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta champions League xilli ciyaareedkan. Gunners ayaa bar-baro 1-1 ah la gashay Fulham kulankoodii…

Read More

Kooxda Juventus ayaa kulan xiiso leh oo ka tirsan UEFA Champions League, kula ciyaaraysa gurigooda Allianz Stadium naadiga Manchester City. Manchester City ayaa hadda ku jirta kaalinta 17-aad ee kala saraynta UEFA Champions League mana soo bandhigin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan. Cityzens ayaa barbardhac 2-2 ah la gashay Crystal Palace kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana kulan doonayan inay kusoo laabato wadda guusha. Dhanka kale Juventus ayaa ku jirta kaalinta 19-aad ee kala saraynta champions League wakhti xaadirkan iyaga oo waliba xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed liita soo bandhigay. Kooxda martida loo ahaa ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Bologna dhamaadkii…

Read More

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa doonaysa inay qandaraaska u kordhiso xiddiga Mohamed Salah wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan. Reds ayaa ka dalban doonto Salah inuu saxiixo ugu yaraan 1/2 xilli ciyaareed inuu sii joogo qalcadda Anfield, si uu ugula guulaysto kooxdiisa koobab badan. Mustaqbalka xiddiga heerka caalami dalka Masar ee Salah ayaa shaki la galiyay muddooyinkii ugu dambeeyay, kadib markii la sheegay inuu isaga hayaami doono qalcadda Anfield ay ku ciyaarto kooxda Reds,marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan. Liverpool ayaa haatan dalabyo qandaraas furis ah u dirtay dhammaan seddexda ciyaaryahan ee ugu waa weyn – Virgil Van Dijk, Trent Alexander-Arnold, iyo…

Read More

Kooxda Manchester City ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Pepelu inuu yahay beddelka ugu fiican ee Rodri  bisha Janaayo, sida laga soo xigtay Transfers Football (via football365.com). Cityzens ayaa waxaa ka maqan xiddigooda khadka dhexe, ee Rodri kaas oo dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka jilibka oo loo yaqaano ACL bishii Sebtembar ee sanadkan. Rodri ayaa waxa uu ahaa mid aan looga maarmin City sannadihii u dambeeyay, waxaana uu awood u siiyay inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu Euro 2024 la qaaday Spain xagaagii, waxaana uu sidoo kale sanadkan ku guuleystay Ballon d’Or…

Read More