Kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ayaa caawa 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa ku marti gelin doonto garoonkooda Emirates Stadium London, AS Monaco kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 6-aad.
Kooxda AS Monaco ayaa haatan ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta tartanka champions League xilli ciyaareedkan waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Kooxda Faransiiska ayaa 2-0 kaga badisay Toulouse isbuucaan, waxaana ay kalsooni ku qabaan inay ka adkaanayaan Arsenal.
Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta champions League xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa bar-baro 1-1 ah la gashay Fulham kulankoodii ugu dambeeyay, waxana ay doonaysaa in ay todobaadkan soo laabato islamarkaana ay guul ka gaaraan AS Monaco.
Mikel Arteta kuma jirin kooxda isagoo ciyaaryahan ah markii ugu dambeysay ee Arsenal ay la ciyaarto AS Monaco tartanka UEFA Champions League 2015, isagoo ka soo kabanaayay qaliin canqowga ah.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Arsenal lagama badinin lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
●Arsenal lagama badin gurigeeda xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
●Gunners ayaa shabaqeeda ilaashatay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada oo dhan, halka ay gool ka dhalisay mid kasta oo ka mid ah 11 kii kulan ee ugu dambeeyay champions League.
●AS Monaco wax guul ah kama aysan soo gaarin kulamada martida ah ee Champions League tan iyo guushii ay ku gaareen Emirates sanadii 2015kii.
●AS Monaco ayaa badisay shan kulan sideedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.