Manchester United iyo Nottingham Forest ayaa doonaya inay ku soo laabtaan wadada guusha marka ay sabtida ku kulmaan Old Trafford.
Nottingham Forest ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka premier League waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.
Kooxda martida ah ayaa guuldarro 3-0 ah kala kulantay Manchester City usbuucii hore, waxayna doonayaan inay si adag u shaqeyso si ay dib ugu soo laabato waddada guulaha.
Dhanka kale Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka wakhti xaadirkan waxana ay horumar samaysay todobaadyadii u dambeeyay.
Red Devils ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulantay Arsenal kulankoodii hore, waxayna kulankan rajeenayaan inay ka adkaadaan Nottingham Forest.
Red Devils ayaa tofdobo kulan oo xiriir ah aan laga badinin ka dib markii ay kala tageen Erik ten Hag, Ruben Amorim ayaana saameyn wanaagsan ku yeeshay kooxdiisa. Si kastaba ha ahaatee, guuldarada kasoo gaartay Arsenal ayaa halis gelineysa dardargelinta kooxda.
Wararka Kooxaha Kahor Kulanka:
Manchester United ayaa dib u soo dhawaynaysa Lisandro Martinez iyo Kobbie Mainoo, kuwaas oo labadooduba ganaax ku maqnaa guuldaradii kasoo gaartay Arsenal Arbacadii.
Leny Yoro ayaa laga yaabaa in lagu abaalmariyo kulankiisii ugu horeeyay ee United kadib markii uu kulankiisii ugu horreeyay ee beddal ku soo galay Emirates Stadium inkastoo Jonny Evans iyo Victor Lindelof ay weli maqan yihiin.
Tababaraha kooxda Nottingham Forest Nuno Espirito Santo ayaa khamiistii sheegay inuu wali qiimeynayo taam ahaanshaha kooxdiisa ka dib guuldaradii 3-0 kasoo gaartay Manchester City.
Danilo iyo Ibrahim Sangare ayaa ah xiddigaha martida ah kaliya ee la xaqiijiyay inay maqan yihiin.
Xogta Kulanka:
Tartanka: EPL.
Xiliga: 20:30-habeenimo Xiliga Geeska Africa.
Kulamada 15-aad.
Garoonka: Old Trafford, Manchester United
Garsooraha Kulanka: Darren, England 🏴
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Manchester United ayaa afar guul oo xidhiidh ah garoonkeeda ku gaadhay tartamada oo dhan, waxayna dhaliyeen 12 gool guud ahaan iyo ugu yaraan laba jeer kulan kasta. Intaa waxaa dheer, Ruben Amorim ayaa badiyay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaray garoonkooda tartamada oo dhan.
●Nottingham Forest ayaa laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League kadib markii ay la kulmeen guuldaro kaliya hal mar tobankii kulan ee furitaanka horyaalka xilli ciyaareedkan.
●Nottingham Forest ayaa dhalisay goolkii furitaanka ee horyaalka 11 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan.
●Bruno Fernandes ayaa ku lug lahaa 11 gool tobankii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaray Old Trafford tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 4 waxana uu caawiye ka noqday 7 gool.
●Forest ayaa laga badiyay 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Manchester United tartamada oo dhan. Red Devils ayaa badisay 7 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, oo uu ku jiro 3-2 ay ku badisay xilli ciyaareedkii hore
●Amorim ayaa noqon kara tababarihii saddexaad ee Manchester United ee ku guulaysta labadiisa kulan ee furitaanka Premier League ee gurigooda, isagoo ku dayaynaaya Ole Gunnar Solskjaer iyo Ralf Rangnick.
●Manchester United ayaa rikoodh fiican oo taariikhi ah ka heysata kooxda Nottingham Forest, waxaana ay ka badisay 54 ka mid ah 112 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood, iyada oo Nottingham Forest oo 34 guul ah gaartay.
●Forest ayaa 2-1 kaga badisay Manchester United bishii December ee sanadkii hore, waxaana laga yaabaa inay badiso kulan xiriir ah Premier League oo ay la ciyaarto Red Devils markii ugu horeysay tan iyo December 1994kii.
●Manchester United ayaa shabaqa soo taabatay mid kasta oo ka mid ah 14-kii kulan ee ay la ciyaartay Nottingham Forest horyaalka Premier League – waana rikoodhkii ugu dheeraa ee ay ka gaaraan hal koox taariikhda tartanka.