Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay afar guul oo xiriir ah ka gaarto horyaalka La Liga marka ay u safarto caawa 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa Athletic Bilbao oo ku ciyaarto San Mames.
Athletic Bilbao ayaa waxa ay Estadio de San Mamés ku soo dhawayn doontaa kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka Spain La Liga ee Real Madrid kulan xiiso leh oo La Liga kabtirsan wareegiisa 19-aad.
Bilbao ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka,waxana ay leedahay 26-dhibcood,waxana ay la mid tahay oo ay isku dhibco yihiin kooxda Villarreal oo ku jirta kaalinta shanaad, kuwaasi oo uu kulan baaqi u yahay.
Madrid ayaa hal dhibic ka danbeysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona laakiin kulan ayaa baaqi u ah Los Blancos.
Athletic Bilbao ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, iyagoo lix kamid ah guul gaaray
Dhanka kale, Real Madrid ayaa guuldarro 2-0 ah ka soo gaartay Liverpool Arbacadii hore tartanka UEFA Champions League kahor inta aysan 2-0 kaga badinin kooxda Getafe Axadii La Liga.
Xaqiiqoyinka Kulanka:
●Kooxda Athletic Club ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, iyagoo badiyay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay.
●Kooxda Ernesto Valverde ayaa badisay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen San Mames.
●Kooxda Athletic Club ayaan gurigeeda kaga badin Real Madrid tan iyo 2015kii.
●Los Blancos ayaa laga yaabaa in ay ku dhibtoonayso tartanka UEFA Champions League, laakiin waxa ay badiyeen mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.
●Kooxda ku labisan dharka cadaanka ah ayaan laga badinin 21-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
●Xilli ciyaareedkii hore Real Madrid ayaa badisay labadii kulan ee ay la ciyaartay Athletic Bilbao (2-0 garoonkeeda iyo 2-0 marti ah).
●Real Madrid ayaan laga badinin 37-kamid ah 38-kii kulan ee ugu dambeeyay (LaLiga).
●Real Madrid ayaanan laga adkaanin 29-kamid ah 32-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Athletic Club tartamada oo dhan.