Kooxda Bayern Munich ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa Florian Wirtz, sida laga soo xigtay The Athletic.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka ayaa bartilmaameed u ah Real Madrid sanadka 2025, iyadoo kooxdu ay u hanqal taagayso inay xoojiso khadkeeda dhexe sanadka soo socda.
Wirtz ayaa waxa uu Bayer Leverkusen ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Bundesliga iyo DFB Pokal xilli ciyaareedkii hore waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan.
21-sano jirkan ayaa dhaliyay sagaal gool waxaana uu caawiyay afar kale 19-kulan oo tartamada oo dhan ah ololahan.
Bayer Leverkusen ayaa lagu soo waramayaa inay ku rabto €100m si ay u fasaxdo xiddiga reer Germany.
Wirtz ayaa qandaraas kula jira ilaa 2027, laakiin waxaa la filayaa inuu qaado tallaabada xigta ee xirfadiisa 2025.
HoHoray aa loo aaminsanaa in qiimihiisa ay dhibaato ku noqon doonto Bayern, laakiin Bavaria ayaa haatan diyaar u ah inay wax walba u qabato ciyaaryahanka xagaaga soo aadan.
Waxay xitaa ka fiirsanayaan inay iska iibiyaan ciyaartoyda sida Serge Gnabry, Leroy Sane, iyo Leon Goretzka si ay heshiis uga helaan khadka dhexe.