Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay TBR Football, Liverpool ayaa qarka u saaran inay kula dagaalanto Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa Takefusa Kubo oo ka tirsan Real Sociedad.
Kubo waa mid ka mid ah garabka midig ee madaxda Reds ay haatan ku qiimeynayaan inuu noqdo bedelka mustaqbalka fog ee Mohamed Salah.
Horumarkan ayaana daba socda saxiixii Federico Chiesa xagaagii hore iyada oo Reds, xiddiga garabka midig uga soo qaadatay Juventus lacag lagu sheegay 12 milyan oo euro.
Si kastaba ha ahaatee, Chiesa ayaa tan iyo markii uu ku soo biiray Reds la dhibtoonayay, inuu la qabsado kooxda kaliya seddex kulan ayuu saftay, iyada oo tani noqon karta sababta ay Reds u xiiseyneyso saxiixa Kubo.
Dhanka kale, Arsenal ayaa laga yaabaa inay raadineyso inay lasoo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Japan si ay ula tartansiiso xiddiga Bukayo Saka ee garabka midig.
Tan iyo markii uu Real Sociedad kaga soo biiray Real Madrid bishii Luulyo 2022, waxa uu dhaliyay 20 gool, waxaana loo diiwaangeliyay 15 caawin 103 kulan oo uu u saftay Sociedad.
Xilli ciyaareedkan, Kubo waxa uu dhaliyay afar gool, waxaana loo diiwaan geliyay hal caawin 18 kulan oo uu u saftay Real Sociedad.
Haddii uu heshiisku dhaco, Kubo waxa uu wax badan kusoo kordhin karaa dhanka weerarka Reds.
23-sano jirkan ayaa qandaraas uu kula jira Sociedad soconaaya illaa June 2029 si loo sugo adeeggiisa ma noqon doono mid raqiis oo jaban.