Kooxaha Manchester United iyo Bodo/Glimt ayaa ku kulmaaya caawa 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa, markii ugu horreysay tartan rasmi ah garoonka Old Trafford kulan ka tirsan Europa League wareegiisa 5-aad.
Kooxda Manchester United ayaa waxa ay doonaysa in ay sii wadato bilaawga guuldaro la’aanta ee 2024/25 UEFA Europa League marka ay Bodo/Glimt ku soo dhaweeyaan Old Trafford Khamiista.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Kulanka Khamiista ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee Manchester United ay la ciyaarto Bodo/Glimt ama koox kasta oo Norway ah oo dhamaan tartamada Yurub.
●Arsenal waa kooxda kaliya ee Ingariiska ah ee Bodo ay wajahday waqti hore. Waxa ay laba jeer ka horyimaadeen Gunners xilli ciyaareedkii 2022-23 Europa League, waxaana laga badiyay labadii kulan. Waxaa looga badiyay 3-0 iyo sidoo kale 1-0 gurigooda.
●Tan iyo markii laga badiyay labadii kulan ee ugu horeysay garoonkooda 2011-12 Europa League ee Ajax iyo Athletic Bilbao, Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan kadib 26 kulan oo ay ku ciyaartay Old Trafford tartanka EuropaLeague.
●Bruno Fernandes ayaa 11 gool ku lug yeeshay 13 kulan oo UEFA Europa League ah oo uu ku ciyaaray guriga Manchester United. Waxa uu dhaliyay afar gool iyo todoba caawin
●Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bodo Patrick Berg ayaa sameeyay kubadaha Interception ugu badan (12) iyo sidoo kale taakalada ugu badan 22-taakal tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.