Kooxaha Tottenham Hotspur iyo AS Roma ayaa caawa 23:00-habeenimo ku kulmaaya garoonka Tottenham, Hotspur, Stadium, London, kulan ka tirsan Europa League wareegiisa 5-aad.
AS Roma ayaa ku jirta kaalinta 20-aad ee kala saraynta UEFA Europa League mana soo bandhigin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.
Kooxda Giallorossi ayaa guuldarro 1-0 kala kulantay Napoli kulankoodii hore waxayna u baahan doontaa inay soo kabsato usbuucan.
Dhanka kale kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka Europe League waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ee Spurs ayaa ka yaabsatay Manchester City markii ay 4-0 kaga badisay City isbuucaan, waxaana ay kalsooni ku qabtaa inay ka gaarto natiijo lamid ah kahor kulankaan.
Xogta Kulanka
Tartanka: Europa League
Saacadda: 23:00-habeenimo
Wareegiisa 5-aad.
Garsooraha: Glenn Nyberg
Garoonka: London Stadium 🏟
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Kooxda Tottenham Hotspur ayaan waligeed la ciyaarin AS Roma kulan rasmi ah tartamada waaweyn ee Yurub.
●Kooxda Suprs ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ay gurigooda kula ciyaareen kooxaha Italy tartamada oo dhan, guuldarada kaliya ee soo gaartay mudadan ayaa aheyd 2-1 ay kaga badisay Juventus bishii March 2018.
●AS Roma ayaa badisay kaliya hal kulan 23-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay meel ka baxsan garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha England tartamada oo dhan, iyadoo guushooda kaliya ee mudadaas lagu guda jiro ay aheyd 1-0 ay kaga badisay Liverpool 2001dii.
●Tottenham Hotspur ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda tartanka UEFA Europa League iyada oo aan wax gool ah laga dhalin waxana ay dhaliyeen 19 gool kulamadan.
Shaxaha Macquulka Ah
Safka Macquulka Ah Ee AS Roma:(4-4-2):
Svilar; Celik, Mancini, Hummels, Angelino; Soule, Baldanzi, Cristante, Zalewski; Dybala, iyo Dovbyk.
Safka Macquulka Ah Tottenham Hotspur (4-3-3) Forster; Spence, Dragusin, Davies, Gray; Sarr, Bentancur, Bergvall; Johnson, Solanke, iyo Werner.