Kooxaha Inter Milan iyo RB Leipzig ayaa caawa kulan xiiso leh kuwada ciyaari doono garoonka Stadio Giuseppe Meazza ee magaaalada Milano oo ay ku ciyaarto Inter, kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 5-aad.
Kooxda RB Leipzig ayaa ku jirta kaalinta 32-aad ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda martida ah ayaa guul darro 4-3 ah kala kulantay kooxda TSG Hoffenheim usbuucii hore, waxaana ay u baahan tahay inay soo kabsato kulankaan.
Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa ku jirta kaalinta 5-aad ee kala saraynta champions League xilli ciyaareedkan.
Nerazzurri ayaa ku xasuuqday Hellas Verona 5-0 oo ay dhaliyeen ciyaartii hore waxayna eegi doonaan inay gaaraan natiijooyin la mid ah usbuucan.
Inter Milan ayaa sanadkii la soo dhaafay ahayd koox awood leh waxayna isku dayi doontaa in ay saamayn ku yeelato tartanka UEFA Champions League.
Marcus Thuram ayaa ku jiray qaab ciyaareed aan fiicneyn kulankii Hellas Verona, waxaana uu doonayaa inuu soo laabto islamarkaana uu goolal badan dhaliyo oo tartanka qaaradda Yurub ah.
RB Leipzig ayaa rikoodh fiican ka haysata kooxaha ka socda Italy laakiin waxa ay salaasada ka hor iman doonaan koox heersare ah.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Inter Milan ayaan waligeed la kulmin RB Leipzig kulan Rasmi ah oo ka tirsan tartanka champions League waxana ay doonayaan in ay la qabsadaan koox adag oo ku cusub tartanka todobaadkan.
●Inter Milan ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha ka socda Germany ee tartanka UEFA Champions League, waxayna ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan labadii kulan ee ugu danbeysay.
●Kooxda RB Leipzig ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo ay la ciyaartay kooxaha Italy tartamada waaweyn ee Yurub iyada oo labada guulood ka kala heshay Napoli iyo Atalanta tartanka UEFA Europa League.
●Inter Milan ayaan wax guuldaro ah la kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda tartanka champions League waxana ay ilaashatay 9 kulan oo ay ciyaartay shabaqeeda.