Kooxda Real Madrid ayaa dib u soo celisay xiisahooda Harry Kane, sida laga soo xigtay Fichajes.
Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa sida muuqata raadineysa No. 9 cusub, iyadoo kooxdu aysan wali si sax ah u helin booska uu ka tagay ee Karim Benzema.
Los Blancos ayaa wakhti dheer la dhacsan Kane waxaana muddo kooban lala xiriirinayay xiddiga Ingariiska xagaagii 2023.
Si kastaba ha ahaatee, sida ay Madrid qorsheeyeen wax u ma dhicin, ciyaaryahankuna waxa uu ku biiray Bayern Munich.
Kane ayaa sii watay gool-dhalintiisa ee kooxda Bavarians wuxuuna ku jiraa qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan.
31-sano jirkan ayaa dhaliyay 20 gool waxaana uu caawiyay sagaal kale 17 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan
Laacibka Ingiriiska ah ayaa weli ku jira booska ugu sarreeya ee kooxdiisa, waxaana laga yaabaa inuu ku habboon yahay shaxda Carlo Ancelotti.
Real Madrid ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahan Harry Kane islamarkaana ay keenaan qalcadda Santiago Bernabeu sannadka 2025, laakiin inay kasoo kaxeeyaan garoonka Allianz Arena ayaanan noqon doonin mid sahlan oo fudud.
Kane ayaa qandaraas kula jira kooxda Bayern Munich ilaa 2027 waana qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha Vincent Kompany iyada oo kooxda Bavarians-ka ay diidan yihiin inay u fasaxaan inuu ku biiro Madrid.