Kooxda Southampton ayaa Axada ku marti galin doonta Liverpool garoonka St. Mary’s kulan ka tirsan horyaalka English Premier League.
Southampton ayaa haatan ku jirta qaab ciyaareed niyad jab leh iyada oo laga badiyay 5-kulan lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ka hor inta ayna booqan Liverpool.
Saints waxa ay u baahan yihiin in ay bilaabaan in ay dhibco helaan hadii ay doonayaan in ay ilaashadaan maqaamkooda koox ahaan ee heerka sare xilli ciyaareedka dambe.
Waxa ay ku jiraan kaalinta ugu hooseysa ee kala sareynta horyaalka iyagoo badiyay kaliya hal-kulan 11 kulan oo horyaalka ah.
Dhanka kale, Liverpool ayaa rajeyneysa inay xilli ciyaareedkan ku guuleysato horyaalka Premier League, waxaana ay haatan shan dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka.
Reds ayaa badisay shan kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana hubaal ah inay jeclaan doonaan fursadaha ay ku heli karaan seddexda dhibcood halkan.
Liverpool ayaan awoodin in ay dhibco lumiso kulamadan hadii ay dhab ka tahay in ay cadaadis xoogan saarto si ay uga sara marto kooxaha sida Manchester City iyo Arsenal.
Xaqiiqoyinka Kulanka
●Liverpool waxa ay badisay 11 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Southampton tartamada oo dhan.
●Liverpool waxa ay dhalisay ugu yaraan laba gool 13 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League.
●Southampton waxa ay ku guuldareysatay in ay badiso 23 ka mid ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.
●24 gool ayaa la iska dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada kooxood isku arkeen.
●Southampton ayaa laga dhaliyay 11 gool lixdii kulan ee ugu dambeeyay.