Kooxda Arsenal ayaa xiiseyneysa inay Brahim Diaz kala soo wareegto Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, sida laga soo xigtay TBR Football.
25-sano jirkaan ayaa soo maray akadeemiyada Manchester City, waxaana uu sidoo kale ka hoos ciyaaray Pep Guardiola.
Diaz waa ciyaaryahan garabka ka ciyaara oo sidoo kale ka shaqeyn kara khadka dhexe ee weerarka.
Diaz waxaa amaah loogu diray AC Milan seddex xilli ciyaareed oo kala duwan laga bilaabo 2020 ilaa 2023, iyadoo ay sii kordhayaan liiska dhaawacyada ee ciyaartoyda kooxda Madrid uma badna inuu ka tago Madrid xilligan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco ayaa ciyaaray todobo kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool, islamarkaana caawiye ka ahaa hal gool.
Diaz waxa uu ka soo qalin jabiyay akadeemiyada Manchester City ilaa kooxda sare ee 2016 oo uu xitaa u ciyaaray hal xilli ciyaareed iyo badh waxa uu u saftay 15 kulan Cityzens intii uu Guardiola hogaaminayay waxaana uu shabaqa soo taabtay laba jeer Madrid ayaana markii ugu horreysay la soo saxiixatay suuqii Janaayo 2019.
Arsenal ayaa doonaysa in ay sare u qaado oo ay xoojiso dhanka weerarkooda xagaaga dambe.
Arsenal waxa ay haysataa dookhyo kala duwan oo ay ku jiraan Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Bukayo Saka, iyo Kai Havertz iyo kuwo kale. Sidaas oo ay tahay, imaatinka Diaz waxa ay ku qasban tahay in ay iyaga siin doonto dhiirigelin weyn.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa la sheegay in Madrid aysan dooneyn inay Diaz ka iibiso kooxdiisii hore ee AC Milan
Warsidaha TBR Football ayaa sidoo kale waramayaa in kooxaha Gunners, Tottenham Hotspur, iyo Newcastle United ay dhammaantood isha ku hayaan Diaz.
Real Madrid, oo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta LaLiga xilli ciyaareedkan aya iska eh 27 dhibcood, waxayna rajeyneysa in dhowaan uu yaraado dhaawacyadii badnaa ee ka soo gaaray ciyaartoydooda. Waxay weyn doonaan adeega ciyaartoy muhiim ah sida Eder Militao, David Alaba, Aurelien Tchouameni, iyo Rodrygo, iyo kuwa kale, kulanka soo socda ee Leganes ee Axadda, Noofambar 24.