Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa qaban-qaabiyay kulan muhiim ah usbuuca soo socda halkaas oo ay ku rajo weyn yihiin in ay gaba-gabeeyaan hishiiska ciyaartoyda Aurelien Tchouameni oo uu ugu wareegaayo Anfield.
Labada kooxood ee reer Yurub ayaa ku kulmi doona garoonka Anfield Arbacada soo socota tartanka Champions League kulamada shanaad ee wareega group-yada.
Sida laga soo xigtay Defence Central, labada kooxood ayaa fursadan u isticmaali doona inay ka wada xaajadooaan mustaqbalka Tchoumanei, kaas oo Liverpool qorsheyneyso inay la wareegto sanadka cusub.
Dhowr ilo-wareedyo ayaa soo wariyay in Liverpool ay durbaba ku dhowdahay inay dhameystirto saxiixa xiddiga Real Madrid.
Warsidaha TeamTalk ayaa ku waramaaya in heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee France lagu keenaayo Anfield suuqa Janaayo uu qarka u saaran yahay in la isku afgarto.
Ilo-wareedyo badan ayaa sheegay labadii toddobaad ee la soo dhaafay in Liverpool ay wadahadallo kula jirtay 24-jirkan, iyadoo hoggaanka ay u hayso marka loo eego kooxda kale Premier League ee Chelsea.
Waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in Liverpool ay diyaarisay dalab ku kacaya 80 milyan oo Yuuro oo ku saabsan Tchouameni, kaas oo ka dhigaya in xiddiga ku guulaystaha Koobka Adduunka 2022 uu si rasmi ah ugu dhaqaaqaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga jiilaalka ee Janaayo kooxda Liverpool
Faahfaahinta wada xaajoodka labada dhinac ayaa lagu falanqeyn doonaa kulanka toddobaadka soo socda.
Liverpool ayaa muhiimaddeeda ka dhigtay saxiixa xiddig khadka dhexe ah ee Tchouameni bisha January, iyaga oo ku guul darreystay inay la soo saxiixdaan bartilmaameedkoodii ugu horreeyay ee Martin Zubimendi xaggaagii hore kaas oo diiday inuu ka tago kooxda Real Sociedad.
Real Madrid ayaana ku faraxsan inay iibiso xiddigooda qadka dhexe ee Aurelien Tchouameni kaas oo ku fashilmay inuu bandhig fiican ka sameeyo kulankii El Clasico oo ay guusha ku raacday Barcelona 4-0 Real Madrid.
Real Madrid ayaa doonaysa inay iska iibiso Tchouameni si ay ugu sameeo ugu yaraan hal saxiix oo daafac bisha Janaayo, iyadoo Eder Militao iyo David Carvajal ay ku waayeen dhaawacyo dhanka ACL.
Kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha xididga Real Madrid iyo halyeyga reer Germany ee Toni Kroos xagaagii hore, Madrid waxa ay weyday xiddig booskiisa u buuxiyo.
Markii hore, Madrid ayaa qorsheyneysay inay Rodri kala soo wareegto Man City laakiin dhaawaciisa ACL ayaa la micno ah inay haatan raadinayaan meel kale.
Tchouameni, oo 24 jir ah, ayaa u soo dhaqaaqay Santiago Bernabeu laba sano ka hor, isagoo kaga soo biiray Monaco 100 milyan oo Yuuro.
Aurelien Tchouameni ayaa saftay 102 kulan tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray AS Monaco, wuxuuna u dhaliyay saddex gool, wuxuuna kula guuleystay 7 koob oo waaweyn.