Arne Slot oo hoggamiyo kooxda Liverpool iyo Pep Guardiola oo hoggaamiyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku loolamayaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si ay ula soo saxiixdaan khadka dhexe Real Madrid ee Federico Valverde, sida laga soo xigtay Fichajes.net.
Kooxda Liverpool ayaa wakhti dheer la dhacsanayd xiddiga khadka dhexe ee reer Uruguay waxana ay sidoo kale doonaysay in ay la soo wareegto Valverde xagaagii hore.
Reds ayaa dib u habeyn buuxda ku sameysay khadka dhexe, iyadoo la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Dominik Szoboszlai, Ryan Gravenberch, Alexis Mac Allister, iyo Wataru Endo ka hor ololaha 2023-24.
Dhanka kale, Federico Valverde waxa uu xagaagii hore qandaraas u kordhiyey Los Blancos, waxaana qandaraaskiisa La Liga uu dhacayaa June 2029.
Kooxda Reds ayaa weli ugaarsi ugu jirta sidii ay ula soo wareegi lahayd khad dhexe oo cusub oo awood badan leh.
Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Martin Zubimendi laakiin wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Real Sociedad.
Sida ku cad warbixinta aan soo sheegnay, Arne Slot ayaa weli xiiseynaya saxiixa Valverde. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inay tartan adag kagala kulmaan Manchester City, kuwaas oo isha ku haya inay la soo wareegaan beddelka Kevin de Bruyne iyo Rodri.
Si kastaba ha ahaatee, Madrid sidoo kale ma xiiseyneyso inay u ogolaato Valverde inuu ka tago Santiago Bernabeu dhawaan.
26 jirka reer Uruguay ayaa u saftay 275 kulan kooxda waaweyn ee Real isaga oo u dhaliyay 24 gool iyo 25 caawin tartamada oo dhan.