Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxda ugu cad cad tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz suuqa kala iibsiga xagaagan, sida laga soo xigtay CaughtOffside.
Kooxaha Liverpool, Chelsea, iyo Real Madrid ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka.
Kooxda Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto Wirtz inuu yahay bedelka xiddiga Belgium Kevin de Bruyne, kaasoo qandaraaskiisu dhici doono xagaaga 2025.
Sida ku cad warbixinta aan kor kusoo xusnay, Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay 150 milyan ginni ku dooneyso Writz laakiin Cityzens ayaa hadda hogaanka u hayso tartanka loogu jiro
Florian Wirtz ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxdii Xabi Alonso ee Bundesliga ku guulaysatay Bayer Leverkusen.
Waxa uu u saftay 49 kulan tartamada oo dhan Leverkusen xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay 18 gool iyo 20 caawin.
21 jirkan ayaa sidoo kale sii wada qaab ciyaareedkiisa ololaha socda isaga oo dhaliyay 7 gool waxana uu caawiye ka noqday laba gool 17 kulan oo uu ciyaaray.