Kooxda Liverpool ayaa ka faa’iidaysan doonta kulanka soo socda ee UEFA Champions League ee ay la ciyaari doonto Real Madrid iyadoo wadahadalo la furaysa 24 jirka reer France ee Aurelien Tchouameni.
Sida laga soo xigtay warsidaha Isbanishka ee Defensa Central, Aurelien Tchouameni ayaa waxaa xiiseenaaya kooxdaLiverpool.
Reds ayaa doonaysa in ay wadahadalo la furto Real Madrid oo ku saabsan helitaanka 24 jirka khadka dhexe, kaas oo Los Blancos laga yaabo in ay iska iibiso sannadka soo socda.
Aurelien Tchouameni iyo mustaqbalkiisa Real Madrid.
Aurelien Tchouameni ayaa wakhti ku qaatay tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray AS Monaco heshiis lacag badan bishii July 2022.
Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa ku garaacday tartan adag oo ay kula jireen kooxo waa wayn oo Yurub ah oo ay ku jirto Liverpool waxayna la soo saxiixdeen xiddiga reer France kaas oo saamayn wayn ku yeeshay labadii xilli ciyaareed ee u dambeeyay.
Reds ayaa dooneysa inay xoojiso khadkayda dhexe suuqa kala iibsiga xagaaga 2025, inkastoo Ryan Gravenberch uu wacdaro ka dhigay kubadsameeyaha kooxda Merseyside xilli ciyaareedka 2024/25.
Labada koox ee Yurub ee Liverpool iyo Real Madrid ayaa ku kulmi doona Anfield toban maalmood gudahood, Liverpool ayaana kulankan kadib wax ka weydiin doonta helitaanka Aurelien Tchouameni.