Chelsea ayaa hoggaanka u haysa tartanka loogu jiro Jonathan Tah kahor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo markaas oo daafaca uu heshiis hordhac ah la gaari karo koox ajnabi ah.
Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside, Chelsea ayaa hoggaanka u haysa safka hore ee saxiixa Jonathan Tah.
Xiddiga Bayer Leverkusen ayaa waxaa baadi goobaaya kooxo badan iyagoo doonaaya in uu u dhaqaaqaa laga bilaabo January markaas oo uu xor u noqon doono in uu heshiis horudhac ah la galo kooxo ajaanib ah xilli ay Chelsea hoggaanka u hayso.
Jonathan Tah ayaa si weyn loo filayay inuu ka tago Bayer Leverkusen xagaaga kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ka caawiyay kooxda Xabi Alonso inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga.
Kooxda ayaa sidoo kale aan laga badin intii uu socday ololahan, maadaama 28-sano jirku uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu muhiimsanaa.
Kooxo badan oo Premier League ah ayaa eegaaya Tah, oo ay ku jiraan Manchester United, Tottenham, iyo Chelsea, maadaama khibradiisa loo arko inay muhiim tahay.
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka qayb ah kooxaha doonaaya adeega xiddiga Bayer Leverkusen ee Jonathan Tah
Real Madrid ayaa keeni karta difaacan halista ah maadaama ay Tah u arkaan beddelka suurta galka ah bisha Janaayo ee Eder Militao xiddiga reer Brazil ayaa waxa soo gaaray dhaawac kale oo ACL kaas oo soo idleeyay xilli ciyaareedkiisa.
Sikasta ha ahaatee Chelsea ayaa ah kooxda koowaad ee fure u hayso xiddiga Bayer Leverkusen ee Jonathan Tah waxaaana laga yaaabaa inay lasoo saxiixdaan xili ciyaareedka dambe.