Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay mudnaanta siinayso u dhaqaaqista Martin Zubimendi kahor suuqa January maadama ay tartan kala kulmayso Liverpool.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay TEAMtalk, Martin Zubimendi ayaa wali bartilmaamed weyn u ah Gunners, waxaana uu ku jiraa liiska suuqa kala iibsiga ee Arsenal inkasta oo uu dhawaanahan lala xiriirinaayay kooxda Liverpool.
Mikel Arteta iyo madaxda Gunners ayaa u arka ciyaaryahanka khadka dhexe bartilmaameedka mudnaanta leh ee mustaqbalka fog, Merseysiders ayaa sidoo kale isha ku heysa inay shaqaaleysiiso Janaayo.
Arsenal ayaa ku sii socota suuqa January iyada oo ku fikiraysa in ay shaqaaleysiiso ciyaartoyga saxda ah si ay ugu riixdo horyaalka iyo UEFA Champions League.
Gunners ayaan ku jirin booska ugu fiican mid ka mid ah tartamadaas, iyadoo Mikel Arteta uu bartilmaameedsan doono ciyaartoyda muhiimka ah bisha Janaayo si uu u xoojiyo fursadahooda.
Arteta ayaa sidoo kale eegaya meelo kale, oo ah khadka dhexe, maadaama ay jiraan xiddigo badan oo aan mustaqbalkooda la hubinin.
Mustaqbalka Thomas Partey iyo Jorginho wali ma cadda, iyadoo xiddiga hore ee Partey uu ahaa ciyaaryahan muhiim ah xilli ciyaareedkan halka xiddiga dambe ee Jorginho uu fadhiyay kursiga keydka.
Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadooda haatan ayaa dhacaya xagaaga soo socda, iyadoo Arsenal ay u badan tahay inay kala tagaan ugu yaraan midkood.
Sidaa darteed, xiisaha Arsenal ee Martin Zubimendi ayaa soo laba kacleeyay, iyadoo Gunners lagu soo waramayo inay mudnaanta siineyso 25 jirka diirada u saaran Liverpool.
Zubimendi waxaa loo arkayay bedelka mid ka mid ah Partey ama Jorginho, maadaama Arteta uu taageere weyn u yahay Isbaanishka.
Waxa ay heestaa Gunners lacag toos ah oo lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 60-milyan oo euro kaas oo mar kale shaqayn doonta suuqa January.
Gunners ayaa sidoo kale ka warqabta inuu doorbidayo inuu sii joogo Real Sociedad, maadaama ay bilaabi doonaan habka ay uga dhaadhicin lahaayeen inuu u dhaqaaqo, EPL maadaama ay xiriir wanaagsan la leeyihiin kooxda kadib u dhaqaaqista Mikel Merino.
Arsenal ayaa wajaheysa tartan adag oo Zubimendi ah maadama at kula loolamayaan kooxda Reds oo in badan baadi goob ugu jirtay sida ay gacanta ugu dhigi lahaayeen adeega xiddiga reer Spain iyo kooxda Real Sociedad ee Zubimendi.
Zubimendi ayaa waxa xiiseenaaya kooxo badan oo ka tirsaam Premier League, oo ay ku jiraan Liverpool iyo Manchester City.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa dooneysa inay u keento bedelka tooska ah ee Rodri bisha Janaayo, halka Arne Slot uu sii wado inuu u tixgeliyo Isbaanishka mid wax ku ool ah ku soo kordhin kara nidaamkiisa.
Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto xagaagii ka dib markii 25 jirkaan uu doortay inuu sii joogo Real Sociedad, inkastoo ay xiisa u hayeen ciyaaryahanka khadka dhexe.
Sidaa darteed, haddii Zubimendi uu diyaar noqdo bisha Janaayo, kooxaha ugu sarreeya Premier League ayaa doonaya inay ku dagaalamaan saxiixiisa, taas oo la xaqiijin doonta dagaal weyn oo suuqa kala iibsiga ah oo dhexe mari doona kooxaha Man City Liverpool iyo Arsenal.