Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay TEAMtalk (via Dailysports), Manchester United iyo Liverpool ayaa ku tartamaya saxiixa Omar Marmoush oo ka tirsan kooxda Eintracht Frankfurt.
Tani waxay timid ka dib markii Ruben Amorim uu la wareegay tababaraha cusub ee Red Devils.
Tani waa hal sabab oo lagu soo waramayo in Red Devils ay u raadineyso weeraryahan suuqa kala iibsiga ee soo socda. Marmoush, oo ka mid ah bartilmaameedyadooda, ayaa si qurux badan ku bilowday ololaha Eintracht Frankfurt. 25 jirkan ayaa dhaliyay 14 gool waxana loo diwaan galiyay 10 caawin 16 kulan oo uu ciyaaray.
Red Devils lambarkeeda sagaalaad, Rasmus Hojlund ayaa kaliya labo gool dhaliyay 12 kulan oo tartamada oo dhan ah. Dhanka kale Joshua Zirkzee ayaa dhaliyay hal gool 17 kulan oo uu ciyaaray.
Qandaraaska Marmoush ee Frankfurt wuxuu dhacayaa June 2027. Tani waxay xaqiiqdii siin doontaa kooxda Jarmalka awood gorgortan oo wanaagsan iyadoo Bayern Munich iyo Barcelona ay sidoo kale xiiseynayaan saxiixa Marmoush.
Marmoush ayaa waxaa lagu qiimeeyaa adudun dhan 60 milyan euro kooxda doonayso inay la wareegto waa inay miiska saartaa qarashkaas si ay u hesho adeegiisa.