Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda ka ciyaarta Premier League bilihii lasoo dhaafay.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Give Me Sport, Kevin De Bruyne ayaa haatan ku fikiraaya in uu ka tago Manchester City.
Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Belgian ee De Bruyne ayaa ahaa mid heersare ah tan iyo markii uu Citizens kaga soo biiray VfSL Wolfsburg heshiis dhan 55 milyan ginni ah, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan koob kasta oo heer kooxeed ah.
Waxa ay u muuqataa in kubadsameeyaha ruug cadaaga ah uu haatan u furan yahay inuu isaga hayaamo Citizens xagaaga soo socda, waxaana ay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii kooxda Premier League ay ku qancin karto inuu sii joogo.
33-sano jirkaan ayaa shaki la’aan ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxaana bixitaankiisa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Manchester City.
Kooxda heysata horyaalka Premier League waa inay isku daydaa inay xajisato ciyaartoydeeda ugu fiican haddii ay doonayaan inay ku guuleystaan koobab waaweyn.
Manchester City ma ku qancin kartaa inuu sii joogo?
Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, waxayna u soo bandhigi karaan qandaraas qaali ah oo uu kusii joogaayo Etihad Stadium.
33-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu isku dayo inuu sii joogo kooxda Ingariiska wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.
<span;>.