Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester City ee Rodri ayaa daaha ka qaaday in uu naftiisa kula tartameen ka qayb qaadashada ciyaaraha kooxda kahor dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Bishii September, waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo dhanka jilibka ah gaar ahaan ACL-ka intii lagu guda-jiray ciyaartii 2-2 ay kula-galeen kooxda Arsenal garoonka Etihad Stadium.
Sida la filayo, Rodri ayaa la rajeenayaa inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman ololaha, hasa ahaate Rodri ayaa si buuxda taam ugu noqonaayo 2025-26.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa in 28-sano jirkaan uusan diyaar u ahayn inuu meesha ka saaro suurtogalnimada inuu ku dhameysto baxnaanintiisa si uu mar kale u ciyaaro kahor dhamaadka xilli ciyaareedka.
Iyadoo Premier League uu dhamanaayo bisha May, inuu kasoo muuqdo mar kale tartankaas ayaa u muuqda mid aan aad loo fileyn, laakiin ku guuleystaha Euro 2024 ayaa u muuqda inuu aaminsan yahay inuu ka mid noqon karo tartanka FIFA Club World Cup.
Muxuu Rodri yiri?
Tartankan oo ka dhici doona dalka Maraykanka ayaa la qorsheeyay inuu dhaco inta u dhaxaysa 15-ka June ilaa 13-ka July waana tartanka koobka kooxaha adduunka ee FIFA Club World Cup.
Rodri ayaa hore uga hadlay inuusan ku faraxsanayn kulamo badan oo lagu soo kordhiyay kooxaha iyo sidoo kale jadwalka kulmada heerka caaalami ee xulalka.
Isaga oo la hadlaya COPE, 28 jirka waxa uu yidhi: “Hadda xilliyadu way sii badanayaan oo [FIFA Club] Koobka Koxaha Adduunka waxa uu dhammaanayaa July 13, waxa aan niyadda ku hayaa in aan soo laabto sanadkan, tartan ahaan.”
“Mar hore ayaan bilaabay socodka, waxaana dareemaya fiicnaan sidii aan moodayay…Gavi wuxuu dhihi jiray: “Waxaan u baahanahay inaan ciyaaro kubada cagta” da’deyda waxaad u aragtaa si ka duwan, waxaad haysataa waqti aad ku nasato oo aad si fiican u soo kabsato..”
Manchester City ayaa laga badiyay afar kulan oo xiriir ah xili ay tabeen xiddiga reer Spain ee Rodri oo dhaawac halis ah uu soo gaaray bishii September kulankii 2-2 Arsenal kula galeen Emirates Stadium.