Daafaca kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa lala xiriirinaayay inuu ka tagaayo kooxda Jarmalka isbuucyadii lasoo dhaafay.
Davies ayaa wuxuu noqon doonaa xiddig beeca xorta ah lagu heli karo xagaaga soo aadan, waxaana laga yaabaa inuu kaga tago kooxda Jarmalka lacag macquul ah bisha Janaayo.
Sida laga soo xigtay wargayska TEAMtalk, Barcelona ayaa hadda loo gacan geliyey inay heli karaan adeega xiddiga heerka caalami ee dalka Canada ee Alphonso Davies xili ay baadi goobayaan kooxaha ugu tunka wayn ee qaaradda Yurub.
Davies ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu dib ula kulmo tababarihiisii hore, Hansi Flick, kaasoo hadda maamula Barcelona isaga oo riixaaya inuu soo xerogeliyo ciyaaryahanka.
Kooxda reer Catalan ayaa tartan kala kulmi doonta Manchester United iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid sidoo kale.
Barcelona ayaa awood u yeelan doonta in ay heshiis horudhac ah la gasho Davies bisha January, amaba waxa ay si joogto ah ula saxiixan kartaa January lacag macquul ah.
24 jirkaan ayaa jeebka ku shubta mushahar macquul ah oo dhan 130,000 oo gini todobaadkii waxana uu noqday mid ka mid ah daafacyada bidix ee ugu fiican kubada cagta yurub.
Barcelona waxaa soo food saartay dhibaato dhaqaale, mana awoodaan inay lacag qaali ah ku bixiyaan ciyaartoyda.