Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko ayaa diiday inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal suuqii xagaaga iyadoo laga walaacsan yahay inuu noqon doono dooqa labaad ee Kai Havertz, saxafiga MailOnline Sami Mokbel ayaa daaha ka qaaday.
21-sano jirkan ayaa bartilmaameed muhiim ah u ahaa Mikel Arteta kahor xilli ciyaareedka cusub, hasa ahaatee ugu dambeyntii wuxuu doortay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Bundesliga ka dhisan, oo uu kusii joogaayo Leipzig ilaa Juun 2029.
Sida laga soo xigtay Mokbel, Sesko wuxuu si dhab ah u tixgeliyey u dhaqaaqista Emirates xagaagii laakiin ma uusan hubin inuu si joogto ah uga mid noqon doono shaxda macalin Arteta’s XI, iyadoo Gunners ay caddeysay inaysan dammaanad qaadi doonin inuu kahor ciyaaro Havertz.
Xiddiga heerka caalami dalka Germany Havertz ayaa si xoogan ku bilaawday xilli ciyaareedkii, isagoo ku lug,yeeshay shan gool toddobadii kulan ee ugu horreysay ee Premier League, laakiin wax gool ah amaba caawin kuma yeelanin seddexdii kulan ee ugu dambeysay.
Mokbel ayaa sheegay in Arsenal ay wali sii xiisenayso Sesko ayna diyaar u ahayd inay bixiso 55 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa xagaagii la soo dhaafay kahor inta uusan ka walaacsanayn inuu ku biiro.
Tan iyo markii uu heshiis cusub oo shan sano ah la saxiixday Leipzig, warbixinadu waxay soo jeedinayeen Sesko inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda, taasoo u oggolaaneysa inuu baxo xagaaga 2025 haddii koox weyn ay soo wacaan.
21 jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Bundesliga, isagoo dhaliyay 14 gool 31 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ololaha cusub.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa dhaliyay todobo gool iyo seddex caawin 14 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana gooldhaliyaha ugu sareeya ee Leipzig.
Sababta uu ku diiday ayaa ah in macalinka Arsenal ee Mikel Arteta uusan damaanad qaadin karin inuu boos joogta ah siinaayo taas oo keentay inuu ka cabsado inuu beddel labaad u noqdo Kai Havertz islamarkaana kursiga keydKa la dhigo.