Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa 25 jirka reer France Jules Kounde oo ka tirsan kooxda FC Barcelona.
Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Isbaanishka kasoo baxa ee Fichajes, Chelsea ayaa qorsheynaysa inay €65 milyan kula soo wareegto 25 jirka daafaca uga ciyaara xulka qaranka Faransiiska ee Jules Kounde.
Kounde ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Liverpool. Laacibka reer France ayaa waxaa suurtagal ah ama laga yaabaa inuu noqdo daafac tayo leh oo ay la soo wareegayaan Chelsea, waxaana hubaal ah inuu ka caawin doono inay ku guuleystaan koobab badan.
Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Axel Disasi iyo Benoit Badiashile ayaa tan iyo markii ay kooxda ku soo biireen aad ugu liitay Chelsea, waxaana labada ciyaaryahan lala xiriiriyay inay ka tagayaan Stamford Bridge.
Blues ayaa ku qasbanaan doonta inay gacanta kusoo dhigto adeega xiddiga reer France ee Kounde.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa galaya sannadihiisii ugu sarreeyay, waxaana laga yaabaa inuu u ciyaaro kubadiisii ugu wacneyd ee Chelsea xilli ciyaareedka soo socda.
25-sano jirkaan ayaa leh tayo uu ugu guuleysan karo Premier League, waxaana uu noqon karaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda.
Jules Kounde waa mid ku filan inuu u shaqeeyo sida daafaca dhexe iyo sidoo kale daafaca midig. Kala duwanaanshihiisa ayaa noqon doona dadaal dheeri ah oo loogu talagalay Chelsea haddii ay heli karaan heshiiska.
€65 million waa lacag aad u badan, kooxda reer Catalan ayaana ku fikiri karta inay iska iibiso hadii Chelsea ay la timaado dalab rasmi ah. Dhanka kale, Chelsea ayaa rajeyneysa inay mar kale u tartanto horyaalada iyo koobabka UEFA Champions League.