Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay la soo wareegto 25 jirka reer Spain ee Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad si uu u noqdo bedelka mustaqbalka fog ee Toni Kroos.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Martin Zubimendi ayaa loo arkaa mustaqbalka fog xididga Toni Kroos oo ka fadhiistay ciyaaraha.
Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa suuqa ka baadi goobaysa ciyaryahan khadka dhexe oo ay lasoo wareegaan suuqa kala iibsiga xagaaga 2025, iyadoo Toni Kroos uu ka fadhiistay kubadda cagta.
25 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain ee Zubimendi ayay u aragta beddelka Toni Kroos.
Martin Zubimendi waa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican La Liga tan iyo markii uu ku biiray kooxda Real Sociedad dhawr sano ka hor.
Sikasta ha ahaatee Real Madrid ayaa tabtay tan iyo markii uu ka fadhiistay xiddigooda khadke dhexe ee Toni Kroos waxayna ku beddelayaan Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad.