Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Cody Gakpo ayaa ku tilmaamay Cristiano Ronaldo inuu yahay dhameystiyihii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta.
Kooxda Merseyside-ka ayaa si fiican ku bilaabatay ololaha 2024-25 iyada, oo Reds uu hoggaamiyo macalin Arne Slot waxay ku hoggaaminayaan EPL laba dhibcood oo ay ka sarayso kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.
Inkastoo uu ku soo bilowday kaliya seddex kulan oo horyaalka ah, Gakpo ayaa kasoo muuqday dhamaan kulamadii kooxdiisa ololahan.
Weeraryahanka reer Holland ayaa dhaliyay shan gool waxaana uu caawiyay labo gool 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Waxa uu dhawaan dhaliyay goolkii barbaraha kulankii ay Liverpool 2-1 kaga badisay Brighton & Hove Albion isbuucii hore (2-dii November).
Intii lagu guda jiray wareysiga GOAL, Gakpo ayaa wax laga weydiiyay mowduucyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid la ciyaaro iyo yaraantiisii.
“Markii wax laga weydiiyay ciyaaryahanka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee soo maray ama haatan, weeraryahanka Liverpool ayaa doortay Cristiano Ronaldo wuxuuna ku tilmaamay inuu yayay dhameystiyihii ugu fiicnaa ee ebid taariikhda Kubadda cagta soo mara iyo kan aan ku daysan jiray marka aan yaraa waa Cristiano Ronaldo mana jiro xiddig ka fiican ee dhammestira ah aniga ahaan fikirkayga waa hoggaamiye ruuxi ah dhaliye cajiib ah rikoodh sameeye cajiib ah waxkasta isku darsaday kani waa dhammeystiraha ugu fiican ee ebid aan ku dhex arko kubadda cagta”.
Cristiano Ronaldo ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa wacan ee uu kusoo bandhigaayo kooxda Al-Nassr inkasta oo uu ku dhawyahay da’da 40-sano haddana da’da waa tiro uun.
Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 9 gool waxana uu caawiyay 3-gool 13 kulan oo uu saftay oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.