Kooxda Manchester United ayaa garoonkayda canaka ah ee Old Trafford ku marti galineysa Chelsea kulan ka tirsan horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League.
Kulankan ayaa ah kan ugu xiisaha badan todobaadkan ee horyaalka waddanka ingiriiska ee Premier League kaas oo ku dhex maraaya Old Trafford Man United iyo Chelsea.
Man United ayaa iska ceydhiisay isniintii hore Erik ten Hag kadib markii uu ku hogggamiyay kooxda guuldarooyin balse kulankan waxaa si ku meel gaar ahaan u maamuli doono Ruud van Nistelrooy.
Xogta: Kulanka
Tartanka: Premier League
Wareegiisa: 10-aad.
<Garoonka: Old Trafford Stadium 🏟
Saacadda: 19:30-habeenimo.
Garsoore: Robert Jones 🏴
Xaqiiqoyinka Kulanka
●Manchester United ayaan wax guuldaro ah la kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Chelsea (W5 D6). Red Devils ayaa badisay seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay ku wajahdo Blues garoonka Old Trafford markii ugu horeysay tan iyo 1957dii.
●Haddii Manchester United ay ku guuldareysato inay badiso Axadda, waxay heli doontaa wadar ahaan dhibcahooda ugu hooseeya ka dib toban kulan oo horyaalka ah tan iyo 1986/87, ololihii uu Sir Alex Ferguson la wareegay November 6 (13 kulan kadib). Kaliya Southampton iyo Crystal Palace ayaa dhaliyay goolal ka yar xilli ciyaareedkan marka loo eego Red Devils (kahor kulamadii ugu dambeeyay).
●Chelsea ayaa laga badiyay seddex ka mid ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League (14 guul, 7 bar-baro), guuldarrooyinkaas ayey kala kulmeen Arsenal, Manchester City, iyo Liverpool. ●Blues ayaa badisay 10-ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka (D2 L2) tan iyo bilowgii bishii May.
●Manchester United ayaa dhalisay ugu yaraan 2-gool 3 dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wajahday Chelsea tartamada oo dhan.
●Nicolas Jackson ayaa si toos ah ugu lug lahaa 14 gool 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League isaga oo dhaliyay 10 caawiye ka noqday afar.
Shaxaha Macquulka Ah:
Safka macquulka ah ee Manchester United:
<span;>Onana; Mazraoui, De Ligt, Martinez, Dalot; Casemiro, Ugarte; Rashford, Fernandes, Garnacho; iyo Hojlund.
Safka macquulka ah ee Chelsea:
<span;>Sanchez; James, Fofana, Colwill, Gusto; Caicedo, Lavia; Madueke, Palmer, Neto; iyo Jackson.